DEG-DEG: Man United Oo Dareemaysa Saamayn Xoogan Oo Uu Ku Yeeshay Caabuqa Korona – Ma Xiddigaha Kooxda Ayaa Laga Helay Mise?

Kooxda Manchester United ayaa markii ugu horreysay dareemaysa saamaynta xanuunka dunida safmarka ku noqday ee Korona balse nasiib wanaag xanuunka ayaa xiddigaha kooxda, shaqaalaha tababarka iyo dhammaan kooxdaas ka saamaynin dhinaca caafimaadka.

Xaga uu saamaynta ba’an caabuqani kaga yeeshay Red Devils ayaa ah dhinaca dhaqaalaha xilli ay daynta kooxda lagu leeyahay 42% (Boqolkiiba laba iyo afartan) kor u kacday xilligan wakhtiga adag lagu jiro.

Sida la saadaalinayo, dakhliga lacageed ee sanadkan soo gali doona Man United ayaa u dhaxayn doona 560 Milyan oo Pound ilaa 580 kaddib marka la isku xisaabiyo saamaynta uu dhaqaale ahaan ku yeelanayo fayrasku.

Tirooyinkii ugu dambeeyay ee dhaqaale ee kooxdaas ayaa sameeyay isbedelo saddexdii bilood ee ugu horreeyay sanadkan 2020 kaddib markii daynta kooxdaas lagu leeyahay ay kasoo kacday 127.4 Milyan Pound oo ay gaadhay 429 Milyan Pound.

Guddoomiye ku xigeenka kooxdaas ee Ed Woodward oo hadlay ayaa sheegay in waxa muhiimka u ah kooxdooda uusan ahayn dhinaca dhaqaalaha balse uu yahay dhinaca caafimaadka.

Woodward ayaa yidhi “Diiradayadu waxa ay baaqi ku ahaanaysaa caafimaadka iyo wacnaanta asxaabtayada shaqada, jamaahiirtayada iyo shirkadaha aanu lamaanaha nahay si aad ah ayaananu ugu riyaaqsanahay qaabka ay kuwa kooxda ku xidhani u fal-celiyeen inta dhibkan lagu jiray”

Inuu saamayn dhaqaale oo daran Red Devils gaadhsiiyay xanuunkani ayaa ka dhigan inuu kooxo kale oo badan si weyn u saamayn doono maadaama ay United kamid ahayd kooxaha dhaqaale ahaan ugu wanaagsan ee la filayay inay u babac dhigaan

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*