DEG-DEG: Liverpool Oo Karantiil La Wada-gelinayo, Ciyaartii Manchester United Oo Halis Ku Jirta Iyo Xog Cusub Oo Soo Baxday

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa halis ugu jirta in gebi ahaanteedba karantiil la wada geliyo oo muddo 10 cisho ah ay ku xeraysnaadaan gurayahooda iyadoo ay soo baxayso xogo naxdinle oo sabab u noqon karaya in la baajiyo ciyaartii ay Liverpool Axadda la ciyaari lahayd Manchester United.

Liverpool ayaa war naxdinle loo sheegay, waxaanay gelaysaa xaalad heegan ah oo ay ku qasban tahay inay dhamaan ciyaartoydeeda baadhitaan degdeg ah oo fayraska Korona ah ku samayso, kaddib markii ay Southampton oo ay Isniintii usbuucii hore wada ciyaareen ay shaacisay in fayraska laga helay weeraryahankeeda Danny Ings.

Laacibkan oo ahaa xiddigii dhaliyey goolkii guusha u horseeday Southampton, guul-darradana u xambaariyey Liverpool ayaa laga helay xanuunka Korona Fayras markii lagu sameeyey baadhitaan, waxaana tababare Ralph Hasenhuttl oo ka hadlay uu sheegay inay suurtogal tahay in markii uu dabbaal-degga goolkaas samaynayay uu ciyaartoyda kooxdiisa qaadsiiyey fayraska.

Inkasta oo waqtiga ciyaartan ay kasoo wareegtay in ka badan toddobaad, haddana waxa uu tababarahani ku dooday in jidhka Danny Ings uu qarsan karayay fayraska, suurtogalna ay tahay inuu maalintaas ba xanuunku hayay, taas oo haddii ay dhacdo abuuraysa shaki.

Baadhitaannadii Premier League ku sameeyey ciyaartoyda Southampton iyo Liverpool toddobaadkan horraantiisii ayaan laga helin wax calaamado fayraska ah oo ciyaartoyda labada kooxood ah, hase yeeshee Ings ayaa tijaabo laga qaaday maanta waxa lagu xaqiijiyey inuu Fayraska qabo, iyadoo uu seegi doono kulanka Leicester City ee Jimcaha.

Liverpool ayaa baadhitaan ay dhinaceeda u samaysay aan wax calaamad ah muujin intii ka dambaysay ciyaartii Southampton.

Wargeyska Daily Mail oo xidhiidh la sameeyey Liverpool ayaa waxay masuuliyiintu u xaqiijiyeen inay badqab yihiin ciyaartoydeedu laakiin haddana ay samaynayaan taxadar dheeraad ah, warkanna uu ku keenayo shaki hor leh.

Si kastaba, Manchester United ayaa u dheg-taagaysa baadhitaannada cusub ee ay Liverpool samaynayso ka hor inta aan la gaadhin waqtiga ciyaartan oo ah maalinta Axadda.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*