DEG DEG: Liverpool Oo Go’aan Cajiib Ah Oo Aan Hore Loo Arkin Ka Gaartay Waqtiga La Ciyaarayo Kulanka Wareega 8da Carabao Cup

Advertisements

Kooxda Liverpool ayaa goordhow xaqiijisay in kulanka wareega sideed dhamaadka Carabao Cup ee ay la ciyaarayaan Aston Villa in la dheeli doono 17ka December laakiin ay labo kooxood u kala ciyaari doonto tartanka Carabao Cup iyo Club World Cup oo ka dhacaya Qatar.

Isbuuca la ciyaarayo wareega 8da Carabao Cup, Liverpool waxa ay u duuli doontaa Qatar iyagoo ka qeyb galaya tartanka FIFA Club World Cup madaama ay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ku guuleysteen Champions League.

Sidaasi darteed waxay ku heshiiyeen iyaga iyo qaban qaabiyayaasha Carabao Cup ee EFL in Liverpool ay labo kooxood u kala magacowdo labada tartan ay ka qeyb galeyso isla isbuucaas.

Jurgen Klopp ayaa xiddigo u badan da’ yar u magacaabi doona inay ciyaaraan wareega 8da Carabao Cup halka xiddigaha waa weyn intooda badan uu u kaxeysan doono Club World Cup.

Waa markii ugu horeysay ee koox weyn laga ogolaado inay labo kooxood u kala magacowdo labo tartan oo waa weyn.

Maalinta ay la ciyaarayaan kooxda Aston Villa wareega 8da Carabao Cup, waxa ay Liverpool maalinta ku xigta Doha ku ciyaari doonaan semi-finalka Club World Cup.

Advertisements

Tababare Klopp iyo xiddigihiisa waa weyn ayaa fursad u heli doona inay daawadaan xiddigaha ay uga tagayaan England ee la ciyaaraya Aston Villa 17ka December xilligaasoo ay ku sugan yihiin Qatar.

Go’aankaan ayaa loo arkaa mid lagu wiiqayo tayada koobka Carabao Cup madaama ay Reds safi doonto xiddigaheeda akadeemiga halka EFL ay aqbaleen soo jeedinta Liverpool madaama ay ku hanjabeen inay koobka isaga baxayaan haddii aan xal iyaga u fiican loo helin.

Comments are closed.