RASMI: Labo Ka Mid Ah Xiddigaha Muhiimka Ah Ee Man City Oo Korona Fayras Uu Ku Dhacay & Kulamada Ay Seegayaan

Manchester City ayaa shaacisay in xiddigaheeda Gabriel Jesus iyo Kyle Walker in laga helay cudurka Korona Fayras.

Advertisements

Labada ciyaaryahan iyo labo xubnood kale oo ka mid ah shaqaalaha kooxda oo aan la magacaabin ayaa haatan bilaabi doona inay karantiil galaan.

City waxay berri garoonka Etihad Stadium ku martigelineysaa kooxda Newcastle laakiin waxaa ka maqnaan doona weeraryahan Gabriel Jesus iyo daafaca Walker.

Warbixin ay soo saartay kooxda ayaa lagu yiri: “Manchester City FC waxay xaqiijineysaa in Gabriel Jesus, Kyle Walker iyo labo xubnood oo ka mid ah shaqaalaha kooxda in laga helay Korona Fayras.

“Dhamaan afartaan qof waxay geli doonaan karantiil shaqsi ah iyagoo raacaya sharciga Premier League iyo kan dowlada Ingariiska.

“Qof walba oo kooxda jooga waxay u rajeyneysaa saaxiibadeena shaqada inay si degdeg ah u soo kabsadaan ka hor inta aysan ku soo laabanin shaqada, tababarka iyo tartanka.”

Walker iyo Jesus ayaa seegaya kulamada Newcastle, Everton iyo weliba kulanka ay sannadka cusub u safrayaan Chelsea.

City ayaa ka dib Manchester United la ciyaari doonta semi-finalka Carabao Cup 6da bisha Janaayo.

Advertisements

2 Fekradood

  1. Somaliya maba ciyaarto miyaa mase waxaa rabtiin aa noo soo qoreeysiin war dalkiina ka sheekeeya

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*