Kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inuu saamayn balaadhan ku yeeshay oo uu shaqsiyaad ka haleelay xilli ay saacado ka hadheen kulan Premier League ah oo ay caawa soo dhawayn doonaan dhigooda Newcastle United.
Man United ayaa xilli ciyaareedkan qayb ka ahayd tartanka horyaalka Premier League walow dib u dhacyo ay galeen kulamadii ugu dambeeyay ay sababeen inay 10 dhibcood ka dambeeyaan hoggaamiyayaasha Man City.
Sida uu hadda sheegayo wariye Steve Bates, Man United ayuu ka dhex dilaacay caabuqa Korona balse uu wali sidiu loo qorsheeyay u suurogali doonaa kulankooda caawa ee Magpies.
Wali lama xaqiijin magacyada iyo shaqsiyaadka xiddigaha ama shaqaalaha kale ee kooxda ee laga helay xanuunka.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora