DEG-DEG: Kaddib Kaadhkii Casaanka Ahaa, Ousmane Dembele Oo Ganaax Rasmi Ah Ka Helay Xidhiidhka Kubadda Cagta Spain – Miyuu Gabi Ahaanba Seegayaa Kulanka EL CLASSICO?

Advertisements

Da’yarka garabka ah ee kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa ganaax rasmi ah ka helay xidhiidhka kubadda cagta Spain ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano RFEF.

Dembele ayaa kaadhka cas loo taagay kulankii ay kooxdiisu guusha 4-0 ka ah ka gaadhay dhigeeda Sevilla oo uu kamid ahaa xiddigaha kulankaas shabaqa gaadhay kahor intii aan garoonka laga saarin qaybihii dambe ee ciyaarta.

Xiddiga ree France ayay asxaabtiisa kooxda oo uu ugu horreeyo Lionel Messi isku dayeen inay ka difaacaan kaadhka casaanka ah iyagoo garsoorkii kulanka u sheegay inuusan luuqada Spanish-ka ku fiicnayn eragya uu adeegsadayna culayskiisa uusan garanayn balse midaas ayaan suurogalin.

Advertisements

Si kastaba, Go’aanka rasmiga ah ayaa ah in Dembele iyo kulanka weyn ee El-Classico ee ay Real Madrid la yeelanayaan ay laba wado oo kala duwan mareen oo uu gabi ahaanba seegi doono ciyaartaas.

RFEF oo shaaciyay ganaaxa rasmiga ah ee Dembele ayaa ka dhigay laba kulan walow la filayay inuu hal kulan maqnaado waxaana uu haatan seegi doonaa ugu horreyn kulanka Eibar kaddibna kulanka El-Classico ee 26-ka bishan.