RASMI: Kaddib Caydhintii Tababare Giampaolo, AC Milan Oo Magacawday Tababare Hore Usoo Maamulay Inter Milan

Advertisements

Kooxda ree Talyaani ee AC Milan oo qaab aad u adag xilli ciyaareedkan ku bilaabatay horyaalka Serie A-da Talyaaniga ayaa haatan si rasmi ah u shaacisay tababaraha cusub ee ay kooxdeedu yeelanayso kaddib caydhintii Giampaolo.

Milan ayaa kaliya sagaal dhibcood kasoo heshay toddobadii kulan ee ugu horreeyay ee horyaalka taas oo ku qasabtay inay shaqadii ka qaadaan tababare Giampaolo xilli ay haatan booska 13-aad ee miiska kala sarreynta horyaalka fadhiyaan.

Tababaraha ay haatan magacawday ee xilka la wareegaya ayaa ah Stefano Pioli oo dhawaan soo maamulay kooxda ay AC Milan magaalo xifaaltamaan ee Inter Milan oo iyadu wakhti xaadirkan qaab wanaagsan ku jirta.

Advertisements

Pioli ayay hor taalaa shaqo aad u adag oo dadaalkeeda u baahan iyo inuu AC Milan meel kasoo saaro iyadoo ay xusid mudan tahay in kursiga haatan lagu fadhiisiyay ay rag badan oo shaqada uga horreeyay kusoo fashilmeen dhawaanahan.

Pioli ayaa noqonaya tababarihii siddeedaad ee si wada jir ah usoo maamula AC iyo Inter Milan labadaba iyadoo ay ka horreeyeen macalimiin ay kamid yihiin Leonardo iyo Giovanni Trapattoni.