DEG-DEG: Inter Milan Oo La Saxiixatay Christian Eriksen & Goobta Lagu Soo Bandhigay Oo Ka Duwan Ciyaartoyda Kale.

Advertisements

Inter Milan ayaa xaqiijisay iney la saxiixatay Christian Eriksen oo muddo doonayay inuu isaga tago Tottenham Hotspur, wuxuuna ugu soo wareegay adduun dhan 17.5 Malyan oo Pound.

Wakhti badan ayaa laga joogaa markii la sheegay in xiddiga reer Denmark uu heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda Inter Milan, waxaana ugu dambeyntii lagu soo bandhigay tiyaatarka caanka ah ee La Scala opera.

Sida la ogaa Eriksen ayaa u duulay Isniintii magaalada Milan si uu caafimaadka u maro, sidoo kalana qalinka ugu duugo heshiis gaaraya ilaa 2024, wuxuuna sanadkii qaadan doonaa sida la aaminsan yahay lacag dhan 6.5 Malyan oo Pound oo lagu daray gunno aan la shaacin.

Inter Milan waxey rajeyneysay in Spurs ay hoos u dhigto lacagaha ay xiddigaan duldhigtay ee lagu sheegay 17.5 Malyan oo Pound oo u dhigma 20 Malyan oo Yuuro, waxeyna isha ku hayeen iney dhameeyaan saxiixa xiddigaan ka hor jimcaha.

Advertisements

Si kastaba Inter Milan waxey dhameystirtay saxiixa xiddigaan dhashay 1992, waxaana la xasuustaa inuu wakhti dahabi ah ku qaatay Ajax Amsterdam ka hor inta uusan 2013 kusoo biirin Spurs si uu badal ugu noqdo Luka Modric oo markaas ku biiray Real Madrid.

Xiddigaan wuxuu Spurs ka saaciday iney gaaraan final-ka koobka horyaalada yurub 2019, balse waxey guuldaro 2-0 ah kala kulmeen Liverpool, haddase wuxuu ka mid noqon doonaa askarta Antonio Conte ee dagaalka u gali doona iney Juventus kula tartamaan hanashada horyaalka.

Comments are closed.