RASMI: Halyeeygii Man City Ee Dhawaan Ka Tagay Etihad Stadium Oo Korona Fayras Uu Ku Dhacay

Advertisements

Halyeeygii Machester City ee dhawaan ma tagay kooxda David Silva ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhacay Korona Fayras ka hor inta uusan tababar la bilaabin kooxdiisa cusub.

Silva oo toban sannadood joogay Etihad Stadium islamarkaana koobab badan la soo qaaday Manchester City ayaa xagaagan isaga tagay kooxda ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa.

Wuxuu dib ugu laabtay Spain isagoo si xor ah ugu biiray kooxda Real Sociedad.

Advertisements

Laakiin David Silva ayaa awoodi waayay inuu maanta tababar la sameeyo kooxdiisa cusub ka dib markii laga helay fayraska halista ah ee Korona sid ay xaqiijisay kooxdiisa cusub.

Real Sociedad ayaa sheegtay in David Silva aysan ka muuqanin wax calaamado ah ama inuusan qabin wax xanuun ah balse lagu ogaaday inuu fayraska sido ka dib baaritaan lagu sameeyay.

Xiddiga waayo araga ah ee reer Spain ayaa haatan geli doonaa karantiil muddo labo isbuuc ah ka hor inta uusan tababar la bilaabin kooxdiisa cusub ee Real Sociedad.

Waxay taasi la micno noqoneysaa inuu seego kulanka ugu horeeya xilli ciyaareedka horyaalka La Liga ee 2020-21.

Kooxdiisa Real Sociedad ayaa marti u noqoneysa 12ka ama 13ka bisha September kooxda Osasuna laakiin waqtigaas ma ahan mid ku filan inuu Silva ka soo laabto karantiil islamarkaana uu ku diyaariyo kulankaan.

Fayraska Korona oo weli laga adkaan la’ yahay ayaa dib ugu soo laabanayo wadamo badan oo Yurub oo ay Spain ka mid tahay.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*