DEG DEG: Halyeeyga Kubada Kolayga NBA Kobe Bryant Oo Shil Diyaaradeed Ku Geeriyooday

Advertisements

Halyeeyga kubada kolayga ee NBA Kobe Bryant ayaa ku geeriyooday burbur soo gaaray diyaarad nuuca qumaatiga u kaca (Helicopter) oo uu saarnaa.

Kobe Bryant ayaa dunida ka tagay isagoo 41 sanno jir ah.

Sida ay sheegtay warbaahinta TMZ, xiddigii hore ee kooxda LA Lakers ayaa la safrayay seddex nin kale iyagoo diyaarad qaas ah qaatay, waxayna diyaarada ku burburtay deegaan Calabasas oo u dhow magaalada Los Angeles ee gobolka California ee dalka Mareykanka.

Waxaa la rumeysan yahay in shantii qof ee diyaarada saarnaa inay dhamaantood geeriyoodeen iyadoo aysan jirin cid ka badbaaday.

Shilkaan diyaaradeed ayaa dhacay goor dhaw, waxaana haatan socda baaritaan.

Sida ay wararka sheegayaan, diyaarada diyaaradda ayaa gabi ahaan holacday markii ay dhulka ku dhacday, taasoo sii baab’in karta nolosha dadkii saarnaa.

Advertisements

Waxa uu dunida kaga tagay xaaskiisa Vanessa iyo seddex gabdhood oo ay isku dhaleen kuwaasoo la aaminsan yahay inaysan diyaarada saarneyn.

Dunida isboortiga ayaa durbaba tacsi u direysa qoyska halyeeyga kubada kolayga iyo bahda uu ka baxay ee NBA.

Comments are closed.