DEG-DEG: Tirada Kulamada Uu Lionel Messi Ku Maqnaanayo Casaankii Final-ka Spanish Supercoppa Oo La Shaaciyay

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa si rasmi ah u ogaaday tirada kulamada uu ganaax kaga maqnaan doono kooxdaas kaddib kaadhkii casaanka ahaa ee uu qaatay kulankii Final-ka Spanish Supercoppa ee ay Athletic Bilbao guuldarrada kala kulmeen.

Advertisements

Messi ayaa loo taagay kaadh casaan ah kaddib markii uu daqiiqadii ugu dambaysay ee wakhtigii dheeriga ahaa xiddiga Bilbao ee Asier Villalibre.

Image

Garsooraha kulanka oo ahaa Jesus Gil Manzano ayay garsoorka fadhiyay aalada VAR u sheegeen inuu dhacdadaas eego isagoo go’aansaday inuu casaan u taago Messi.

Gudida xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa kulmay maanta oo Salaasa ah iyagoo go’aansaday inay qaladkaas Messi ugu ciqaabaan inuu maqnaado laba kulan.

Advertisements

Messi ayaa seegi doona kulanka ay Barcelona u safrayso kooxda heerka saddexaad ee Cornella ciyaar Copa Del Rey ah iyo kulanka La Liga ee ay Axada la ciyaari doonaan dhigooda Elche.

Messi ayaa soo noqon doona kulanka xiga ee wareega 16-ka ee Copa Del Rey haddii ay kooxdiisu gaadho, arrinta xiisaha leh ayaa ah in kulanka ugu horreeya ee horyaalka uu ciyaari doono uu 31-ka January kahor tagi doono kooxdii uu casaanka iyo guuldarrada kala wada kulmay ee Athletic Bilbao oo Camp Nou imanaysa.

Messi ayaa saddex jeer hore casaan u qaatay waayihiisa ciyaareed iyadoo kaliya hal mar ay ahayd heer kooxeed, kulanka hore ee uu isaga oo Barcelona u ciyaaraya casaan qaatay ayaa ahaa February 2005 markaas oo uu kooxda yar yar ee Barca B matalayay.

Advertisements

1 Fekrad

  1. meesi waa ciyaariyahan aan cadi aheyn lkn waxa ka careysiiyay mahan wax uyar wxana aamin sanahy in laga qafiifin doono kulamada ganaac la dul dhigay laacibka kooxda kubada cagta barceloona waxana aamin sanahy bar selona in messi la aan tiis eysan meel gari garin si booskeeda u ceshato mesi waa lagam mar maan iney heho wayo waa laf dhabarta kooxda wana captanka kaliya kala wado koo xda la aan tiis meel magari karo si meesha loga sii wado lo lanka horyaalka xifaal tankan meshiis uga sii socdo ugu yaraan 1 kulan ama lanba kulan yaa loga badin

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*