RASMI: Barcelona Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay Lacagta Ay Arthur Melo Ku Iibiyeen & Waqtiga Uu Ku Biirayo Juventus

Kooxda horyaalka La Liga heysata ee Barcelona ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay xiddigeeda khadka dhexe Arthur Melo ka iibiyeen kooxda Juventus.

Kooxda Talyaaniga ayaa ku iibsatay xiddiga reer Brazil 72 milyan euro iyadoo 10 milyan euro kale ay ku xirnaan doonto qaab ciyaareedka ciyaaryahanka.

Arthur Melo ayaa baaqi ku sii ahaan doona Barcelona ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkan 2019/20 sida ay sheegtay kooxda reer Spain.

Arthur ayaa Barcelona uga soo biiray kooxda reer Brazil ee Gremio xagaagii 2018. Xiddiga khadka dhexe ee Brazil ayaa ilaa iyo haatan u saftay Barcelona 72 kulan oo 42 kulan oo ka mid ah ay tahay horyaalka La Liga.

Wuxuu xiddigaan u dhaliyay kooxda reer Catalans afar gool labadii xilli ciyaareed ee uu kooxda joogay, isagoo goolkiisii ugu horeysay ka dhaliyay Osasuna horyaalka La Liga.

Wuxuu Barcelona la qaaday labo koob oo kala ah horyaalka La Liga iyo Spanish Super Cup xilli ciyaareedkii 2018/19.

Arthur Melo ayaa dhawaan ka soo laabtay magaalada Turin ee ay ka dhisan kooxda Juventus halkaasoo uu ku maray tijaabada caafimaadka islamarkaana uu heshiis ugu soo saxiixay kooxda Juventus.

Barcelona ayaa bedelkiisa heleysa xiddiga waayo araga ah ee khadka dhexe ee Juventus Pjanic kaasoo ay ku iibsanayaan lacag ku dhow 70 milyan euro.

Heshiiska Pjanic uu ugu wareegayo Camp Nou waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo saacadaha soo socda.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*