Aubameyang Oo Sabab Layaable Uga Maqan Kulanka Adag Ee Tottenham & Arteta Oo Ciqaabaya

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa kaydka u dirtay kabtankeeda Pierre-Emerick Aubameyang kulanka adag ee Tottenham ay ku martigelinayaan, waxaanay sababtu tahay go’aan ciqaabeed iyo ganaax ay saareen laacibkan, sida uu xaqiijiyey tababare Mikel Arteta.

Advertisements

Pierre-Emerick Aubameyang ayaan ka mid ahayn ciyaartoyda safka hore ee Arsenal waxaanuciyaartii labaad oo xidhiidh ah kasoo muuqanayaa kaydka xilli ay kooxdiisuna u baahan tahay weeraryahan wax u dhaliya.

Tababare Mikel Arteta oo warbaahinta la hadlay kaddib markii uu shaaciyey safka kooxdiisa ayaa sheegay in ‘anshax marin’ darteed ay u fadhiisiyeen Pierre-Emerick Aubameyang, kulanka adag ee ay Tottenham ku qaabbilayaan Emirates Stadium.

Mikel Arteta ma sheegin dembiga ama qaladka uu galay Aubameyang ee ay u fadhiisiyeen, hase yeeshee waxa uu hoosta ka xarriiqay in sababta uu kaydka ugu diray ay tahay anshax marin, waxaanu yidhi: “Wuu ku bilaaban lahaa ciyaarta, laakiin waxa aanu u fadhiisinay arrimo anshax marin darteed.”

Tababaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray: “Waxaanu jeexanay layn aanu ku socono, isaguna kaydka ayuu fadhiyaa.

“Ciyaar kasta nidaam ayaanu u marnaa, waana in aanu ixtiraamno.”

Advertisements

1 Fekrad

  1. Asalamu caleykum aq yarey website ka wan la soconaa ma waxa ay inka tahay qoralkina hala aqriyo sobabta ad benta ushegeysan ayaan la yabaa run in la in ku barto isku dayo bil as xaanik hal mar kaliya xita ma ahan qoralada ad benta ka shegtan

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*