RASMI: Arsenal Oo Ceyrisay SIDEED Ka Mid Ah Shaqaalaheeda Kooxda

Advertisements

Arsenal ayaa ceyrisay SIDEED ka mid ah shaqaalaheeda oo uu ku jiro madaxa soo xerogelinta xiddigaha da’da yar Steve Morrow iyagoo isku shaandheyn ku sameeyay akadeemigooda.

Morror oo ciyaaray islamarkaana gool dhaliyay finalkii League Cup ee 1993 ayaa soo gabagabeeyay 20 sannadood uu kooxda la shaqeeyay muddo labo jeer haddii ay ahaan laheyd mar uu ciyaaryahan u ahaa iyo mar uu qeyb ka ahaa shaqaalaha tababarka.

Shaqaalaha Arsenal ee la ceyriyay ayaa ku soo beegmeysa xilli kooxda Unai Emery ay ku jirto marxalad adag oo xilli ciyaareedkooda ah.

Waxaa soo baxay warar sheegaya in ciyaartoyda ay ku kala qeybsan yihiin sida uu tababaraha u la dhaqmay xiddiga khadka dhexe Mesut Ozil kaasoo mushahar 350 kun ginni isbuucii ka qaata kooxda.

Natiijooyinka garoonka ayaa iyagana ah kuwa xun, iyadoo guuldarro ay ka soo gaartay Sheffield United islamarkaana ay isbuucaan barbaro la galeen kooxda Wolves.

Tababare Unai Emery ayaa la siiyay muddo bil ah inuu ku badbaadsado shaqadiisa.

Waxaa intaa sii dheer inaan weli xal laga gaarin xaalada kabtanka kooxda Granit Xhaka.

Waxaa laga saaray kooxda labadii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan ka dib markii uu jawaab celin aflagaado ah ka bixiyay oorin ay ku sameeyeen taageerayaasha Arsenal markii la bedelay kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen Crystal Palace.

Advertisements

Waxaana haatan ay Arsenal bilowday inay isku shaandheyn ku sameyso shaqaalaheeda iyagoo ka bilaabay sideed xubnood oo la ceyriyay.

Ciyaaryahankii hore ee Chelsea Dave Lee, Kevin Beadell iyo Dan Rice ayaa dhamaantood la rumeysan yahay inay qeyb ka yihiin ragga la ceyriyay.

Comments are closed.