De Lima Ronaldo: “Madaxweynaha Inter Ayaa Doorta Inuu I Iibiyo Halkii Uu Ceyrin Lahaa Hector Cuper”

Advertisements

Halyeeygii hore qaranka Brazil Luiz Ronaldo ayaa daboolka ka qaaday sababta uu kaga tagay Inter Milan sanadkii 2002 aysan aheyn go’aankiisa balse madaxweynahii xiligaas ee kooxda uu go’aan ku gaaray inuu isaga ka doorto tababarahii xiligaas.

Ronaldo ayaa isaga tagay Barcelona sanadkii 1997, wuxuuna shan sano ku qarash gareeyay Inter ka hor inta uusan dib ugu laaban La Liga si uu ugu biiro Real Madrid, intii uu kooxdaas ku sugnaa wuxuu saftay 98 kulan isagoo dhaliyay 59-gool.

Wakhtigiisa Madrid wuxuu dhaliyay 104-gool kadib 177 kulan uu xirnaa maaliyadooda, dib ayuu uga sheekeeyay wixii ka dhacay wadanka talyaaniga.

“Milan waan ku faraxsanaa, waxaan dareemayay iney jamaahiirta ii qabeen dareen aan xad laheyn oo iiga imaanayay daafaha dunida” ayuu u sheegay DAZN.

Advertisements

“Waxaa kooxda maamulayay Hector Cuper, balse ma aanan wada shaqeyn karin, waxaan la hadlay Moratti waxaan ku iri – aniga ayaa baxaya ama tababaraha ceyri, islama shaqeyn karno”

“Sheekadeyda Inter si qurux badan kuma dhamaan, wuxuu iga doorbiday Cuper, waana marka ay bilaabatay sheekadeyda Real Madrid”

Comments are closed.