David Luiz Oo Shaxda Arsenal Lagu Soo Bilaabay Ka Dib Dhaawac Dhacay Waqtigii Iskululeynta

Advertisements

Tababare Mikel Arteta ayaa lagu qasbay inuu bedel ku sameeyo shaxdiisa ka hor inta aysan bilaabanin ciyaarta Etihad Stadium ka dib markii dhaawac soo gaaray mid ka mid ah daafacyadiisa waqtigii iskululeynta.

Tababaraha reer Spain ayaa markii hore daaficiisa dhexe ku soo bilaabay Rob Holding iyo saxiixa cusub Gabriel iyadoo daafaca reer Brazil David Luiz kursiga keyd loo dhaadhiciyay.

Laakiin Rob Holding ayaa dhaawac uu ku soo gaaray waqtigii ay iskululeynta ku sameyneysay kooxda garoonka dhexdiisa, waxayna taasi keentay David Luiz lagu bedelo iyadoo daafaca reer Brazil uu haatan ciyaarta ku soo bilowday.

Advertisements

Luiz ayaa 25 daqiiqo oo aad u xun ay ku soo martay garoonkaan bishii Juun, wuxuu rajeynayaa inaysan mar walbaad taas oo kale aysan ku dhicin.

Dhaawaca Holding ayaa la sheegay inuu yahay mid ka soo gaaray muruqa bowdada lamana oga inta uu gaarsiisan yahay iyo haddii uu seegi doono kulamo kale.

Shaxda Arsenal Ay Kala Hortagtay Manchester City:

Arsenal: Leno, David Luiz, Gabriel Magalhaes, Tierney, Bellerin, Ceballos, Xhaka, Saka, Willian, Aubameyang, Pepe.

Keyd: Runarsson, Lacazette, Maitland-Niles, Partey, Elneny, Nketiah.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*