Saddex Sababood Oo David Luiz Ay Tahay In Laga Dhigo Kabtanka Arsenal

Advertisements

Halyeeyga Arsenal Paul Merson ayaa ku adkeysanaya in David Luiz laga dhigo kabtanka Arsenal, waxaana uu sheegay seddex sababood.

Tababaraha Gunners Unai Emry ayaa sheegay inuu magacaabi doono shan kabtan inta ka hartay xilli ciyaareedka ka dib kulankii Carabao Cup ee ay ka badiyeen Nottingham Forest.

Xiddiga khadka dhexe ee Switzerland Granit Xhaka ayaa ilaa iyo haatan kabtanka Arsenal laakiin waxaa lagu dhaleeceeyay bandhigiisa.

Laakiin Merson oo 51 sanno jir ah ayaa aaminsan in Emery uusan wax fekrad ah ka heysan waxa uu sameynayo.

Wuxuu sheegay inay tahay inuusan Emery waqti isaga dhuminin inuu kabtan ka dhigto qof aan aheyn daaficii hore ee Chelsea, waxaana uu fekerkiisa ku xoojinayaa seddex arimood.

Isagoo u hadlayay Sky Sports, Merson ayaa yiri: “Arinta walwalka leh ayaa ah inaan maqlay tababaraha oo sheegaya inuu magacaabayo shan kabtan, taasoo ii sheegeysa inuusan wax feker ah ka heysan ciyaartoydiisa ugu fiican ee isbuuc walba ciyaari karta.

“Unai Emery waxa uu kooxda joogaa sannad iyo bar, shan kabtan ayuuna magacaabayaa madaama uusan wax feker ah ka heysan safka uu ku soo shirtagi karo isbuuc walba.

“Kooxaha waa weyn waa kuwa leh shax isku mid ah oo ay isbuuc walba ku ciyaaraan, laakiin Arsenal ma garan kartid ciyaartoyda dheelaya isbuucba isbuuca ku xiga.”

Waxa uu hoosta ka xariiqay sababta ay u tahay in Luiz laga dhigo kabtanka joogtada ah ee Emirates isagoo ku sababeeyay kow taariikhdiisa guulaha, labo inuu boos joogta ah ka heysto kooxda iyo seddex inuu yahay daafac oo caadiyan laga dhigo kabtanka.

Merson ayaa yiri: “David Luiz waa inuu noqdo kabtanka, waa guuleyste sax ah.

“Dadka ayaa dhaleeceeya mararka qaar sababtoo ah isbuucna qaab ciyaareedkiisa waa 2/10 kan ku xiga waa 9/10, laakiin waa ciyaaryahan aad ogtahay inuu dheelayo isbuuc walba.”

Advertisements

Waxa uu sidoo kale sharaxay in daafac uu mar walba ku haboon yahay inuu kabtan noqdo, isagoo yiri: “Taageere weyn uma ahi in weeraryahanada kabtan noqdaan laakiin Aubameyang isna waa dookh kale.

“Seddexda afka hore waa kuwa isbuuc walba dheeli kara haddii ay taam yihiin.”

2 responses to “Saddex Sababood Oo David Luiz Ay Tahay In Laga Dhigo Kabtanka Arsenal”

  1. ABDIKADIR says:

    ma aaminsani fikrada poul merson ee ah in david luiz laga dhigo kabtan taa badalkeeda waxaan ka door bidi lahaa aniga da,yarka aan udunay ee rob holding

    • Garaad habad says:

      Fikirka ma aamin saniy lkn kabtanka waxaan la jeclaan lahaaa r hodling