Dani Ceballos Oo Ka Laabtay Hadal Uu Isbuucaan Yiri Taasoo Niyadjab Ku Ah Taageerayaasha Arsenal

Advertisements

Dani Ceballos ayaa qalbi jabiyay taageerayaasha Arsenal ka dib markii uu shaaca ka qaaday inuu weli doonayo inuu ka dhabeeyo riyadiisa ah inuu guulo ku gaaro Real Madid.

23 jirkaan ayaa ka laabtay hadal uu yiri horaantii isbuucaan isagoo si maldahan u xusay inuu doonayo in heshiiskiisa amaahda ee Gunners inuu noqdo mid joogta ah.

Los Blancos ayaa u ogolaatay Ceballos inuu heshiis amaah hal xilli ciyaareed ah ugu biiro kooxda Arsenal ka dib markii loo arkay inuu dheeri ku yahay xiddigaha Santiago Bernabeu.

Xiddigii hore ee Real Betis ayaa wacdarro ka dhigay Emirates tan iyo markii uu yimid isagoo kooxda u saftay 11 kulan xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.

Waxaana uu ka farxiyay taageerayaasha markii uu sheegay inuu joogo halkii uu doonayay, laakiin hadalkaas dib ayuu uga noqday isagoo sheegay in hadalkiisa si qaldan loo fasirtay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in sababta uu ugu soo biiray Arsenal inay tahay inuu boos ka helo xulka Spain ee Euro 2020.

Isagoo u hadlayay Radio Marca, waxa uu yiri: “Marka aanan ciyaareynin kuma riyaaqo nolosheyda.

“Labadii sannadood ee aan joogay Real Madrid wax badan ayaan ka bartay kooxda, laakiin haatan waxaan ku riyaaqayaa kubadeyda.

“Waan ogaa inay sannad muhiim ah tahay, tababaraha shaki ayuu iga qabay, qofkii aan ciyaarina ma aadayo Euro 2020, sidaasi darteed waxay aheyd waqti fiican oo aan amaah ku baxo.

Advertisements

“Kalsoonida uu Unai Emery i geliyay waxa ay fursad ii siin kartaa inaan ka mid noqdo xulka Euro 2020 ee Spain.

“Marnaba kuma fekerin inaan si joogta ah ku baxo. Hamigeyga waxa uu yahay inaan guulo ku gaaro Real Madrid. Waan u dagaalami doonaa riyadeyda.”