DAMAC CUSUB: Barcelona Oo Ka Wareegaysa Neymar JR, Kylain Mbappe Oo Uu Damac Ka Galay & Saddex Sababood Oo Ay U Doorteen.

Advertisements

Madaxda kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay wareer ka qaadeen xiddigaha kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe iyo Neymar oo ay labadaba doonayaan saxeexyadooda.

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa boggiisa hore saaka ku daabacay war uu ku sheegayo in shaqsiyaadka ugu sarreeya kooxdaasi ay haatan kala go’aansan kari la’yihiin midka ay saxeexiisa u dhaqaaqayaan Mbappe iyo Neymar.

Barcelona ayaa suuqii dhawaa si aad ah u doonaysay Neymar oo laba sano kahor kooxdeeda ka baxay balse ay u aragtay mid markale wax kusoo kordhin kara safkeeda awoodi waayay hanashada Champions League sanadihii ugu dambeeyay.

Xiddiga ree Brazil qudhiisa ayaa waxkasta u sameeyay sidii uu Blaugrana markale xagaagan ugu soo wareegi lahaa balse wada-xaajoodyadii ay Barca la gashay PSG ayaa noqday kuwo ijiid aan ku jiidee ah oo aan wax midho dhal ah lahayn.

Si kastaba, Kaddib fashilka heshiiskaas ayay madaxda Barcelona haatan damcayaan Mbappe oo ay u arkaan in saxeexiiso sababo dhawr ahba ugaga wanaagsanaan doono midka Neymar.

Advertisements

Ragga ka taliya Camp Nou ayaa ugu horreynba aaminsan in Mbappe uu ka yar yahay Neymar oo saxeexiisuna uu ka manfac badnaan doono arrinta kale ee ay ku doorbidayaan Neymar ayaa ah inuusan wax dhaawacyo ah oo soo noq-noqda lahayn sida Neymar.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  RIKOODH: Man City Oo Rikoor Cusub U Dhigtay Premier League, SIDEED Gool Ayay Ku Xasuuqeen Watford & Silva Oo Seddexleeydiisii Ugu Horeysay Dhaliyay

Arrinta kale ee xasaasiga ah ayaa ah in saxeexa Kylian uusan wax kala qaybsanaan ah ku keeni doonin kooxda maadaama la filayo in dad badan oo ka xanaaqsan qaabkii uu Neymar ku baxay ay ka cadhoon doonaan haddii ay kooxdu dib ula soo wareegto.

 

Comments are closed.