Dagaalka Ciyaarta Musaaricada Ee WWE Ma Dhab Baa Mise Waa Been? Xog Rasmi Ah Oo Ku Saabsan WWE

Advertisements

Jawaabta su’aasha kore waxaa laga yaabaa inaad intiina badan ogtihiin, laakiin warbixintaan waxay ku socotaa akhristayaal ina soo weydiiyay inaan u sharaxaad kooban ka bixino waxa ay tahay ciyaarta musaaricada ee WWE.

Ciyaarta musaaricada WWE ama shirkadaha la midka ah ma ahan ciyaar rasmi ah oo loo arko inay isboorti tahay, sida magaca WWE oo laga soo gaabiyay (World Wrestling Entertainment) waa ciyaar madadaalo ah.

Waa ay jirtaa ciyaar musaarico oo isboorti ah loona tartamo, waxayna qeyb ka tahay ciyaaraha Olimbikada laakiin qaabka la mid ah ma ahan tan WWE, ciyaarta musaaricada ee Olimbikada waa sida muuqaalkaan hoose oo kale:

Hadaba dagaalka ciyaarta musaaricada WWE ma mid rasmi ahbaa sida feerka ama UFC? Jawaabta oo kooban waa maya.

Marka xiddigaha musaaricada ciyaaraya ay soo galaan goobta dagaalka waxay durbaba sii ogyihiin cida guuleysaneysa, dhaqdhaqaaq walba ay sameeyaan waa mid la isla sii diyaariyay waa sida riyaawad la jilayo oo kale ama filim.

Farqiga u dhaxeeya ciyaar musaarico ah iyo riyaawad waxa ay tahay akshanka la sameynayo ayaa mararka qaar qaldami kara inkastoo la isla sii ogaa.

Tusaale ahaan Mick Foley oo ka mid ah raga ugu caansan taariikhda WWE waxay dheg kaga go’aday ciyaar musaarico ah waxayna ku timid qalad dhacay, halka Scott Steiner isna si kama ah haraanti dhuunta uga dhacday taasoo sababtay in qaliin degdeg ah lagu sameeyo.

Xiddigaha musaaricada ciyaara waa jilayaal balse jirkooda halis u geliya inay madadaalo siiyaan dadka u soo daawasho taga. Inkastoo la isla sii ogyahay natiijada iyo dhaqdhaqaaqyada ciyaarta oo dhan hadana mararka qaar si ku talogal ah ayay u aqbalaan in jirkooda uu nabaro soo gaaro madadaalo darteed.

WWE waxay leedahay qorayaal sii dejiya sheekada isbuuc walba ee barnaamijyadooda RAW iyo SmackDown, sheekada waxa ay xiiso u sii yeeshaa ciyaarta. Xiddigaha waxaa loo kala saraa kuwa la jecel yahay (Face) iyo kuwa laadarnimo jila oo la neceb yahay (Heel).

Marka laga soo tago in xiddigaha lagu abaalmariyo bandhigooda waxaa sidoo kale lagu abaalmariyaa qaabka hadalkooda iyo sida ay u la falgeli karaan taageerayaasha daawanaya.

Advertisements

Xiddigaha sida John Cena, The Miz, The Rock iyo kuwa kale oo badan waa kuwa ugu fiican dhanka hadalka oo taageerayaasha ay aad u jecel yihiin, Brock Lesnar oo kale dagaalkiisa waa mid la aamini karo balse waa loo hadlaa inta badan madaama uusan mikrafoonka ku fiicneyn.

Wixii su’aalo ah oo aad qabto inoogu soo qor qeybta hoose ee comment-ga.

17 responses to “Dagaalka Ciyaarta Musaaricada Ee WWE Ma Dhab Baa Mise Waa Been? Xog Rasmi Ah Oo Ku Saabsan WWE”

  1. Saed Rage says:

    Maxaa ka jira arinta money in the bank ? Ee dagaalka xoogan loo galo maadaama la iska soo tuur tuuro meel sare si madadaalo ah …. shandada se maxaa iyadana ku jira?????

    • Shandada sida WWE sheegto waxaa ku jira qandaraas u ogolaanaya shakhsiga ku guuleysta inuu u tartamo suunka uu doono waqtiga uu doono. Waana sababta qofka Money in the Bank ku guuleysta uu durbadiiba u helo fursad uu ku hanto mid ka mid ah suumanka ugu waa weyn isagoo u gaatamaya xiddiga suunka difaacanaya xilli uusan dagaalami karin.

    • Abdirasak says:

      Ilama aha inay been tahay waayo mar walba aan ku gaaraco suurta gal maha

  2. gartay lkn ciyaaraha mararka qar waxan uqadanaa dhab lkn si waxay umatalaan sidhab ku jirto waxa ka qayb qata inuu barnamijka ciyaraha wwe xayaysiiyayasha xayaysiinaya

    • Waa runtaa Khaalid, kuwa xayaysiiya, kuwa ciyaaraya intuba qeyb ayay ka qaataan inay dagaalka ka dhigaan inuu u muuqdo mid dhab ah si loo madadaaliyo taageerayaasha xiiseeya musaaricada

  3. dayib hassen says:

    waxaan waydiinayaan bahda laacibnet axbyaal hadii ay tahayba sheekadu sidaan aad noo aoo tabiseen maxay tahay sababta ay caan kunoqdeen xidiga ah sida johnceana oo kale

    • Dayib in dagaalka uusan rasmi aheyn kama dhigna in ciyaarta aysan xiiso laheyn. Malaayiin ayaa jecel inay daawato iyagoo og waxay daawanayaan inay madadaalo tahay. Waa sida filim aad si toos ah u daawaneyso islamarkaana ka qeyb gelinaya xamaasada.

  4. Ali ahmed says:

    Sual ciyaartii Final ka Ahayd ee Roman raigns uu kaga gulaysanayay broce lesner ma been baa?
    Suaasha labaad : ciyaarta marka final timaado ee suunka lagu kala qaadayo iyaduna ma beenbaa? Maanay jirin ciyaar si runa loo qabto mise 100 % waa been.

    Aad baan idin salamayaa Laacib

    • Mohamed aamiin says:

      Randy orten ma laadarbaa

  5. Mahad hassan mohamed says:

    wa sax wa entertaiment lkn marark qaar si run ah bay isku dagalan mxa yelay rag mel kuwada kulmay wad ogthy waxa dhexnari karo marka su’ashyda ah so lagama yabo mar mar 2 qof si cadi in la iskugu balamiyo lkn laga ilaliyo wxybaha qalabka dhawici karo then ciyar ahn ay dhelan lkn si dhab ah ay u dagalaman

    • Abdirashiid says:

      Waa mahadsan tihiin horta inta aan dawado ayaaba iska yar hadana wax badan ayaan ka fahmay

  6. walal laba aragti baan soojeedina mid waa suaal mid neh waa codsi:
    tan suasha ah waa money bank ga qof ka ku guulaysanaya miyaa lays la og yahay oo tartamayaashu way ogyihiin miyaa?
    tan codsiga ah waxaa barnamij yadiina kusoo dartaan tartan ka ciyaraha MMA da ama UFC ga waxaa jecel nahay KHABIB tartamaga dagistaniga ah iyo kuwa kale ee muslim ka ah marka waxaan aminsanhay in page ka shacab badan ka faidini dono hadii lagu soodaro warar ka musaracada xortaha ah.
    zaki
    thanks

  7. Soo jiidh says:

    Bwaxa jiray mar show kursi lug lagaga jabiyay taasi ma been baa?

  8. Suaal hadii ciyaarta wwe ay beentahay oo lasii ogyahay cida guulaysanaysa muxuu Undertaker 21 oo xidhiidha u qaadayey suunka sidee looga yeelay maxay micna ahe u samayna raga laciyaaraya ee sii og inuu Undertaker qaadi doono suunka

  9. Suaal hadii ciyaarta wwe ay beentahay oo lasii ogyahay cida guulaysanaysa muxuu Undertaker 21 suun oo xidhiidha u qaadayey suunka sidee looga yeelay maxay micna ahe u samaynasaa raga laciyaaraya ee sii og inuu Undertaker qaadi doono suunka

  10. Hassannur Abdirahman says:

    Ok 1.madagaal dhabaa mise waa ciyaar? 2.ma ciyaar dad caadi ah ay jilayaanbaa mise waa sida filin kartoon computer lagu badalay oo dad loo eekeysiiyey 3.haddi ay dad caadi ah yihiin run ahaanti si aan caadi ahayn ayey isu dilaan waxwalbana wey isla dhaacaan haddana waxyeelada soogaadha wey yartahay maxaa sababay?

  11. Aadan gurelow says:

    Suasheydo waxay tahay taagerayaasha maugyihiin musaaracado iney tahay madadaalo mise sida ruwaayada camal mise waa wax hada lasoo ugaadey mahadsanidiin laacib net

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

*