Daawo Wixii Uu Sameeyay Mohamed Salah Ee Lagu Amaanay Ka Dib Kulankii Masar Iyo Kenya

Mohamed Salah ayaa si weyn loogu amaanay talaabadii uu qaaday markii ay soo dhamaatay ciyaartii xulalka Masar iyo Kenya isagoo xulka Kenya oo marti loo ahaa ku booqday qolkooda labiska.

Advertisements

Kenya ayaa ku guuldareysatay inay u soo baxdo Koobka Qaramada Afrika ka dib markii ay barbaro 1-1 la galeen xulka Masar.

Si kastaba, Faraaciinta ayaa xaqiijistay booskooda Koobka Qaramada Afrika inkastoo Mohamed Salah uusan shabaqa soo taabanin.

Xiddiga Liverpool ayaase lagu amaanay inuu xulka Kenya ugu hambalyeeyay dadaalkii ay muujiyeen islamarkaana u rajeeyay nasiib wacan mustaqbalka.

Advertisements

Ciyaartoyda Kenya ayaa iyagana u rajeeyay Mohamed Salah nasiib wacan Koobka Qaramada Afrika.

Waxaa laga duubay muuqaal isagoo dhex taagan qolka labiska xulka Kenya oo ay xaadir ku ahaayeen ciyaartoyda, tababarayaasha iyo maamulka xulka.

Salah ayaa sidoo kale maaliyadiisa siiyay xiddiga khadka dhexe ee xulka Kenya Kenneth Muguna.

Masar ayaa la ciyaareysa xulka Comoros oo iyaguna soo baxay maalinta Isniinta iyadoo kulankaan uu go’aamin doono xulka ku dhameysta kaalinta 1aad ee Group G.

Ciyaaraha Koobka Qaramada Afrika waxay bilaabanayaan bisha Janaayo 2022.

Dhanka kale Liverpool ayaa dib u bilaabi doonta xilli ciyaareedkeeda Premier League Axada soo socota marka ay wajahayaan kooxda Arsenal.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*