DAAWO: Weeraryahan Bundesliga Ka Ciyaara Oo Khiyaameeyay Daafac Isagoo Iska Dhigay Mid Kabo Xiranaya Ka Hor Inta Uusan Gool Dhalinin

Advertisements

Weeraryahanada ugu fiican waxay sameeyaan wax walba oo ay uga faa’ideysan karaan daafacyada.

Waana waxa kala saara weeraryahanada waa weyn iyo kuwa iska meel dhexaadka ah.

Weeraryahanada qaarkood ayaa isku daya inay maskaxiyan uga faa’ideystaan daafaca raacanaya halka kuwa kale ay awood jir ahaaneed u sheegtaan.

Laakiin weeraryahanka kooxda Mainz oo lagu magacaabo Robin Quaison ayaa la yimid hab cusub oo looga faa’ideysto daafacyada todobaadkan.

Intii ay kooxdiisa soo tuuraneysay kubad foori gacan ah kulan Bundesliga oo ay la ciyaarayeen Hertha Berlin, waxa uu iska dhigay mid ku mashquulsan inuu xiranayo xariga kabahihiisa.

Advertisements

Daaficii xiranayay ayaa is dhigtay isagoo ku fekerayay inuusan Quaison halis ku aheyn goolkiisa madaama uu kabo xirasho ku mashquulsan yahay, laakiin markii uu daafaca sii jeestay Quaison ayaa durbadiiba u cararay xerada ganaaxa isagoo shabaqa ku taabtay kubad la soo karoosay.

Halkaan hoose ka daawo:

Comments are closed.