Daawo Wariye Isboorti Oo Dhimasho Ka Badbaaday Markii Ay Shaashad Weyn Ku Soo Dul Dhacday Isagoo Toos Loo Daawanayo

Wariye isboorti ayaa ka badbaaday dhimasho ka dib markii shaashad weyn ay ku soo duldhacday isagoo si toos ah loo daawanayo.

Advertisements

Wariyaha ESPN FC Radio Colombia oo lagu magacaabo Carlos Orduz ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo yaryar oo ay ka mid ah ilik ka jabtay, sanka oo dhiig uu ka yimid isagoo ka badbaaday halis weyn.

Muuqaal dhacdadaan ayaa keentay in daawadayaasha ay u cabsadaan nolosha Carlos.

Laakiin wuxuu qoraal soo dhigay Twitter isagoo dadka u sheegay xalay inuu fiican yahay: “Caweysin wanaagsan. Waxaan ahay Carlos Orduz.

Advertisements

“Arinta la xiriirta shilkii dhacay bilowgii barnaamijkeeda ESPN Radio, waxaan jeclaan lahaa inaan idiin sheego inaan fiicanahay.

“Baaris ayaa la igu sameeyay waxba iguma dhicin marka laga dhiibo inaan shoogay.

“Waan ka mahadcelinayaa fariimaha taageerada ah ee aad ii soo dirteen.”

Qoraal labaad uu soo dhigay Twitter ayuu ku yiri: “Nabaro yaryar ayaa i so gaaray iyo sannadka oo dhiig uu ka yimid laakiin waxba igama jabin”

Ragii kale ee la fadhiyay istuudiyaha ayaa la maqlayay iyagoo ku dhahaya Carlos: “Is deji, ha dhaqaqin” iyadoo Carlos uu xanuun dareemayay.

Madaxiisa ayaa si xun ugu dhacay miiska taasoo dad badan ka nixisay madaama shaashada ay aheyd mid weyn oo culus.

Daawo Muuqaalka

Francisco Javier Velez oo ka mid ah tabiyayaasha barnaamijka oo amakaaksan ayaa daawadayaasha u sheegay inay soo yara laabanayaan inta uu Carlso adeeg caafimaad ka helayo islamarkaana istuudiyaha laga nadiifinayo.

Carlos ayaa ah joornaaliiste waayo arag ah oo 25 sannadood ka soo shaqeynayay raadiye iyo TV.

Waxa uu ESPN la shaqeynayaa tan iyo sannadkii hore markii uu ka tagay Fox Sports oo xirtay kanaalkeedii Colombia.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*