DAAWO VIDEO: Wiilasha Ay Dhaleen Didiere Drogba & Samuel Eto’o Oo Toddobaadkan Kulamadoodii Ugu Horreeyey Saftay Iyo Goolka Quruxda Badan Ee Furaha U Noqday

Wiilasha ay dhaleen labadii halyey ee reer Afrika ee Didier Drogba iyo Samuel Eto’o ayaa usbuucan saftay kulamadoodii ugu horreeyey, iyagoo muujiyey inay ku taagan yihiin raadkii aabbeyaashood.

Advertisements

Isaac Drogba oo uu dhalay halyeygii Chelsea ee Didier Drogba ayaa ciyaartiisii ugu horreysay u saftay kooxda Talyaaniga ah ee Folgore Caratese ee heerka afraad, taas oo uu soo galay daqiiqaddii 79aad, kulan ay kooxdiisu 4-1 ku garaacday Saluzzo.

Advertisements

Drogba Jr ayaa hore waqti ugu soo qaatay kooxda Guingamp oo uu da’yarteeda ka mid ahaa, halkaas oo ahayd kooxdii uu aabbihii u sannadka u ciyaaray ka hor intii aanu u wareegin Marseille oo uu usii dhaafay Chelsea.

Waxa kale oo Sabtidii garoomada lagu arkay Etienne Eto’o oo uu dhalay halyeygii xulka qaranka Cameroon iyo Barcelona ee Samuel Eto’o.

Laacibakn ayaa kasoo muuqday tartanka qaramada Afrika ee ay da’doodu ka hoosayso 20 jirrada, oo uu u saftay waddankiisa Cameroon.

Laacibkan da’da yar ayaa kulankaas dhaliyey laba gool oo mid uu ahaa laag xor ah, waxaanu ku daray caawin, iyadoo dalkiisu 4-1 ku garaacay Mozambique, iyadoo isagana loo doortay xiddigii garoonka.

Goolka koowaad ee Etienne Eto’o ayaa ahaa laag xor ah oo uu meel fog ka toogtay daqiiqaddii toddobaad ee bilowga ciyaarta, waxaanu goolka labaad oo rikoodhe ahaa ku daray daqiiqadihii ugu dmabeeyey qaybta hore.

Eto’o Jr oo warbaahinta la hadlay kaddib ciyaarta ayaa sheegay inuu doonayo inuu jiro culays uu ku hayo magacii aabbihii, hase yeeshee uu ku kalsoon yahay inuu noqon doono ciyaartoy wacdaro dhiga.

“Mar walba waxa jira culays haddii aad tahay wiilka qof caan ah iyo haddii kaleba. Laakiin aniga ahaan, waxaan kaliya isku dayayaa inaan ku raaxaysto waayahayga ciyaareed, dadkana aan tuso waxa aan samayn karayo.” Ayuu yidhi Eto’o Jr.

Halkan ka daawo muuqaalalda labada ciyaartoy

Drogba jr.

Eto’o Jr

Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*