DAAWO VIDEO: FA Oo Baadhitaan Ku Samaynaya Ciyaartoy Xiniinyaha La Qabtay Shalay

Advertisements

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa baadhitaan ku samaynaya difaaca kooxda Preston ee Darnell Fisher kaas oo ay kaamirooyinka garoonku qabteen isagoo xiniinyaha qabtay weeraryahanka Callum Paterson ee ka tirsan kooxda Sheffield United, intii ay socotay ciyaartii labadooda kooxood ee Sabtidii.

Muuqaallo daawasho ah oo lasoo geliyey baraha bulshada ayaa muujiyey Fisher oo gacantiisa kaga buuxsaday xiniinyaha si la mid ah ficilkii caanka ahaa e Vinnie Jones kula kacay Paul Gascoigne.

Kulankan oo kusoo dhamaaday 1-0 ay guushu ku raacday Preston, ayaa waxa hadheeyey dhacdada uu Fisher kula kacay weeraryahanka Sheffield United oo uu xiniinyaha qabtay xilli lasoo laadayay koorne.

Advertisements

Labadan kooxood oo dagaal ugu jira sidii ay horyaalka Premier League ugu soo laaban lahaayeen xili ciyaareedka dambe, ayaa waxa hadda baadhitaan ku samayn doona xidhiidhka kubadda Cagta Ingiriiska oo eegi doona sidii ay wax u dhaceen, waxaana suurtogal ah in Fisher lagu rido ciqaab xun.

Dhacdadan oo kale ayaa horyaalka waddanka Ingiriiska ka dhacday sannadkii 1988kii markaas oo Vinnie Jones xiniinyaha qabtay Paul Gascoigne oo garoonka dhexdiisa cabaad sii daayey.

Tababare Tony Pulis oo wax laga weydiiyey dhacdada uu  Fisher sameeyey ayaa waxa uu ku jawaabay: “Anigu maan arkaynin laakiin waan hubaa, qof kasta oo baraha bulshada ahna wuu ka hadlayaa, waxaana lagu shidi doonaa dab haddii uu sidaa sameeyey.”

Xidhiidhka kubadda cagta England ee FA ayaa laga sugayaa in baadhitaankooda ay ku caddeeyaan sidii ay wax u dhaceen, isla markaana ay jawaab cad ka bixiyaan ganaaxna dusha ka saaraan Fisher.

Si kastaba, dhaqanka noocan ah ayaa mamnuuc ka ah ciyaaraha, waxaana ciyaartoyda samaysa lagu ridaa ganaaxyo culus.

Halkan ka daawo muuqaalka dhacdada

Advertisements

Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*