DAAWO VIDEO: Ciyaartoyda Barcelona Oo Argagax La Geliyey 4tii Habeenimo, Hurdo La’aan Ku Dhacday Iyo Wixii Ka Dhacay Hotelka Ay Deggan Yihiin

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa waaberigii hurdada ka kiciyey ciyaartoyda Barcelona ee u jooga Paris si ay lugta labaad ee wareegga 16ka Champions League ula soo ciyaaraan PSG.

Advertisements

Labada kooxood ayaa saddex toddobaad ka hor ku wada ciyaaray Camp Nou lugtii hore, waxaana guul weyn soo gaadhay naadiga tababare Mauricio Pochettino oo iyagoo marti ah kusoo garaacay Barca 4-1.

Ka hor ciyaarta caawa, kooxda reer Catalonia ayaa sas la kulantay iyadoo ciyaartoydeedu hurdaan, waxaana xilli ay saacaddu ahayd 4tii subaxnimo ka hor intii aan loo kicin Salaadda subax ay taageereyaasha PSG isku soo urursadeen bannaanka Hotelka ay deggan yihiin ciyaartoydu.

Jamaahiirta ayaa halkaas ka oogay dab weyn, iyagoo shidayay waxyaabo bixinayay qiiq iyo olol, ayna dheerayd qaylo, taas oo keentay in ciyaartoyda hurdo la’aan;i ku dhacdo.

Advertisements

Jamaahiirta ayaa isku dayay inay carqaladeeyaan ciyaartoyda Barcelona, ayna ku ridaan deggenaansho la’aan si aanay marnaba niyadda u gelinin inay sameeyaan guul soo laabasho ah kaddib natiijadii weynayd ee kooxda reer France ay kusoo gaadhay Spain iyadoo saddexlay goolal ah uu dhaliyey Kylian Mbappe iyo mid uu ku daray Mois Kean.

Sida uu muujinayo muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada, bannaanka Hotelka ciyaartoyda Barcelona seexdeen ayaa waxa ka baxayay olol badan iyo qaylo dheer, taas oo bilaabantay 4tii subaxnimo inyar ka hor Salaadda subax.

Wariyaha Faransiiska ah ee Robin Bairnes ayaa bartiisa Twitterka ku baahiyey muuqaal daawasho ah oo muujinaya ololka ka baxayay bannaanka garoonka, halkaas oo ay isku urursadeen taageereyaal badan oo kooxdooda usii muujinayay sida ay u garab taagan yihiin maadaama aan  loo ogolayn inay garoonka yimaaddaan.

Halkan kaga bogo muuqaalka wixii ka dhacay bannaanka hotelka ciyaartoyda Barcelona ka deggan yihiin Paris:

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*