Tababaraha kooxda FC Porto Sergio Conceicao ayaa la kulmay wajigabax madaama la waayay cid su’aalo weydiisay shirkiisa jaraa’id ee ka dib kulankii ay Juventus ka reebeen Champions League uguna soo baxeen wareega sideed dhamaadka.
Waxay taasi la micno noqotay shirka jaraa’id inuu waaray kaliya 50 ilbiriqsi ka hor inta uusan Conceicao uusan kicin isagana bixin qolka.
Ka dib markii uu soo fariistay kursigiisa isagoo isku diyaariyay inuu la hadlo warbaahinta, sarkaalka warbaahinta u qaabilsan kooxda ayaa ku jiri wariyayaashiisa Zoom ku jiray: “Ok, habeen wanaagsan intiina inagala socota Zoom. Wax su’aalo ah?”
In cabaar ah markii ay aamusnaan dhacday ayuu hadana ku celiyay: “Intiina Zoom ku jirta, waxaan jeclaan lahaa inaad soo gudbisaan su’aalihiisa.
“Ma arko cid codsaneysa inay su’aal soo gudbiso.”
Waxay aheyd arin cajiib ah sababtoo ah FC Porto waxay Champions League ka reebtay kooxda weyn ee Juventus waxayna u soo baxday wareega sideed dhamaadka Champions League, sidaasi oo ay tahayna ma jirin xitaa hal su’aal oo la weydiiyay tababaraha.
Sarkaalka warbaahinta oo sabarka uu ka dhamaaday ayaa yiri: “Ma sidaan baa? Wax su’aal ah? Waa intaas markaas. Ina keen.”
Is this the shortest press conference EVER?!
Despite his side shocking Juventus in the #UCL Porto boss Sergio Conceicao leaves his post match press conference after just 50 seconds – after not being asked a single question! 🤯 pic.twitter.com/VZga57abws
— The Sun Football âš½ (@TheSunFootball) March 10, 2021
Inkastoo macalinka Porto uu wajigabax kala kulmay shirkiisa jaraa’id hadana waxay u aheyd habeen xusuus leh iyadoo kooxdiisa ay sharciga goolasha martida ugu soo baxday wareega sideed dhamaadka iyagoo weliba in badan oo ciyaarta ka mid ah ku dheelayay 10 ciyaaryahan.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora