Daawo Tababare Ay Xafiiltamaan Jurgen Klopp Oo Si Weyn U Difaacay Macalinka Liverpool Xilli Ay Isku Dhegan Yihiin FA-ga

Advertisements

Waxaa meel xaasaasi ah maraysa dooda uu Jurgen Klopp ku abuuray go’aankii uu ku diiday in isaga iyo ciyaartoyda kooxdiisa kowaad ay ku lug yeeshaan kulanka ku celiska ah ee FA Cupka, waxaana si layaableh Klopp u diifaacay ninka ay sida wayn u xifiltamaan ee Pep Guardiola.

Tababare Guardiola ayaa wax laga waydiiyay go’aanka uu Klopp ku diiday in uu ka soo muuqdo kulanka FA Cupka ee Anfield ka dhici doona ee ay Reds soo dhawayn doonto kooxda Shrewsbury.

Laakiin jawaabta Guardiola ayaa noqotay mid toos ah oo aanu soo leex-leexan wuxuuna warbaahinta iyo maamulada kubbada cagta England u sheegay in ayna shaqada tababarayaasha soo faro galin oo ay u daayaan ciyaartoyda ay soo xulanayaan.

Sida aad muuqaalka hoose ka arki karto Guardiola ayaa si toos ah warbaahinta ugu sheegay in shaqada tababarayaasha ay tahay cida ay soo xulanaan isla markaana lagu ixtiraamo waajibaadkooda shaqo isaga oo go’aanka Klopp sii xoojiyay.

Guardiola oo ka jawaabaya dooda uu Klopp ku abuuray go’aankii uu ku diiday FA Cupka ayaa yidhi: “Dhegaysta, anagu (tababarayaasha) waxaanu aqbalnay jadwalada tartamada, kulamada labadii maalmood ama saddexdii maalmoodba ah, laakiin tababarayaaha ha u sheegina doorashada iyo cida ay waajibka ku tahay in ay soo xushaan- Waa shaqadayada!”.

Guardiola oo go’aanka tababaryaashu ciyaartoyda da’yarta u badan ugu ciyaaraan kulamada FA Cupka ayaa yidhi: “Iyagu waxay sameeyaan waxa ay doonayaan in ay sameeyaan laakiin halkaas ayaanu joogi doonaa, laakiin ha noo sheegina ciyaartoyda ay waajibka nagu tahay in ay ciyaaraan kulamada- Tani waa waajibaadkayaga”.

Guardiola ayaa markii uu hadalkan sheegayay waxa uu u muuqday mid aan jeclaysan in warbaahintu ay tababarayaasha ku cadaadiyaan in ciyaartoyda kooxahooda muhiimka ka ah ay ciyaarsiiyaan kulamada FA Cupka ama EFL Cupka.

Halkan ka daawo muuqaalka uu sida adag Guardiola ugu difaacay go’aankii Klopp.

Advertisements

Si kastaba ha ahaatee, go’aankii Klopp oo si wayn ugu muuqda in uu kacdoon ka sameeyay England ayaa hadda taageero badan sii helaya taas oo keeni karta in kulamada ku celiska ah ee FA Cupka meesha laga saari doono mustaqbalka.

Kulanka Anfield ee Shrewsbury Town uu markale noqon doono mid carruurta Reds ay ciyaari doonaan taas oo bahdilaad ku ah FA Cupka oo loo arko koobka ugu qadiimisan kubbada cagta aduunka laakiin Klopp ayaa u arka in bahdilaadani tatahay mid FA-gu masuul ka yihiin.

Comments are closed.