DAAWO: Laad Xor Ah Oo U Tartami Doona Abaalmarinta Goolka Ugu Qurxoon Ee Puskas Award Oo Shalay Laga Dhaliyay Horyaalka France

Xiddiga kooxda Lorient ee Armand Lauriente ayaa shalay horyaalka Ligue 1 kasoo dhaliyay mid kamida laadadkii xorta ahaa ee abid ugu wanaagsanaa ee kubadda cagta laga dhaliyo iyadoo goolkiisaas lagu sifeeyay mid u tartami doona abaalmarinta goolka ugu qurxoon sanadka ee Puskas Award.

Advertisements

Laadka xorta ah ee uu 22 sano jirkaasi kasoo dhaliyay shalay kooxda Nantes ayaa ahaa mid lala bar-bardhigay midkii uu Ronaldinho ka dhaliyay xulka England koobkii aduunka ee 2002.

Kala duwanaanshaha labadaas gool ee heerarka laga kala dhaliyay ayaa ah mid aad u weyn iyadoo Ronaldinho uu kasoo dhaliyay koob aduun halka goolka Lauriente uu ahaa mid yimid kulan lagaga ordayay kaalmaha looga hadho horyaalka Ligue 1.

Lorienta ayaa ahayd mid natiijo 1-0 ah ay ku leedahay kooxda ay martida u ahayd ee Nantes iyadoo ay kulanka kaliya shan daqiiqo ka hadhsanaayeen markii lagu abaalmariyay laad xor ah oo loo dhigay meel 40 yard u jirta goolka.

Advertisements

Laadkaas xorta ahaa oo ahaa mid ay labada kooxood isku diyaariyeen inay kubadda jooga sarre ah ku dagaalamaan ayuu Lauriente toos u laagay, kubadda oo marka hore aad kor ugu kacday ayaa hoos ugu dagtay goolka uu dhex taagnaa goolhaye Alban Lafont.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*