DAAWO: Goolhaye Xalay Daqiiqadii 94-aad Gool U Dhaliyay Mid Kamida Kooxaha Ugu Magaca Weyn Qaarada Yurub

Goolhayaha kooxda Sevilla ee Yassine Bounou ayaa xalay kooxdiisa u badbaadiyay dhibic dahabi ah kaddib markii uu goolka bar-bardhaca uga soo celiyay Real Valladolid oo ay marti u ahaayeen daqiiqadii 94-aad oo ahayd midii ugu dambaysay ee kulanka.

Advertisements

Real Valladolid oo kulan adag ciyaartay ayaa hoggaanka ka haysay Sevilla ilaa daqiiqadii ugu dambaysay iyaga oo aaminsanaa inay saddexda dhibcood ee kulankaas gacanta ku dhigeen.

Image

Bounou ayaa kubad gees ka tuur ahayd soo galay daqiiqadii ugu dambaysay ee ciyaarta balse kaddib kubadda oo goolka hortiisa ku dhacday ayuu baas ka helay Joules Kounde waxaana uu lugta bidix goolka ku dhex dhigay darbad xoogan.

Goolhayaha heer caalami ee xulka qaranka Morroco oo kulanka kaddib saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuusan garanayn si uu u dabaaldego markii uu goolkaas kediska ah ka dhaliyay ciyaartaas.

Advertisements

Yassine ayaa maaliyada uu xidhnaa iska saaray iyadoo ay si waali ah ula dabaaldegeen xiddigaha ay isku kooxda yihiin ee la dhacay waxa uu ka sameeyay gegida Estadio Jose Zorrilla.

“Waa wax cajiib ah, way adagtahay in la qeexo manaan garanayn si aan u dabaaldego” ayuu ciyaarta kaddib Yassine Bounou u sheegay Marca.

Goolkaas Bounou ayaa ahaa midkii labaad ee uu goolhaye ka dhaliyo xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga waxaana ka horreeyay shabaq ilaaliyaha Eibar ee Dmitrovic oo rigoore u dhaliyay kooxdiisa.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*