Daawo Garsoore Isku Kaadiyay Isagoo Taagan Garoonka Dhexdiisa Toosna Looga Daawanayo TV-ga Oo Dunida Ka Yaabiyay

Garsoore ayaa isku kaadiyay isagoo dhex taagan garoonka ilbiriqsiyo ka hor inta aysan bilaaban ciyaar koob ah oo ka dhaceysay dalka Brazil.

Advertisements

Denis da Silva Ribeiro Serafim ayaa isagoo dharkiisa qaba isku kaadiyay xilli uu taagnaa bartamaha garoonka, ma jirin waqtigaas cid ogaatay laakiin kaamirada ayaa qabatay.

Tabiyayaasha ciyaarta ma aysan dareemin falka foosha xun ee uu sameynayo garsooraha iyagoo ka hadlayay garsooraha magaciisa iyo labada calanwade ka hor inta aysan bilaaban kulanka Copa de Brasil ee u dhaxeeyay Boavista iyo Goias shalay oo Khamiis aheyd.

Laakiin taageerayaasha indhaha gor-gorka ah leh ayaa ogaaday in kaadi ay ka socoto garsooraha lugtiisa iyagoo si weyn muuqaalkiisa ugu wadaagay baraha bulshada intii ay ciyaarta socotay.

Advertisements

Muuqaal ayaa muujinaya Da Silva gadaal iska eegaya ka dibna isku kaadinaya iyadoo kaadida ay ka soo dhex baxday buumihiisa, waxaa la arkayay xitaa buumihiisa oo qoyan oo weli ay kaadi ka dhibceyso markii uu soo dhameystay isagoo salaamay mid ka mid ah goolhayayaasha kooxaha ciyaarayay.

Wuxuu ka wahsaday inuu dib ugu laabto qolka labiska oo uu isticmaalo suuliga sida bani’aadam caadi ah.

Laakiin garsooraha ayaa u muuqday mid ay ku filnaatay inuu xaajadiisa ku guto garoonka dhexdiisa.

Dhacdadaan la yaabka leh waxay ka dhacday garoonka Elcyr Resende Stadium oo u dhow magaalada Rio de Janiero.

Kooxda Boavista ayaa lugtii hore 3-1 kaga badisay kooxda Goias laakiin qof walba wuxuu ka hadlayay garsooraha oo suuli ka dhigtay garoonka.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*