Sababta Uu Hooyadii Uga Mamnuucay Daawashada Ciyaaraha, Isbarbardhiga Goolkiisii Ugu Fiicnaa & Galmada Iyo 7 Waxyaabood Uu Cristiano Ronaldo Uga Hadlay Wareysigii Uu Siiyay ITV

Advertisements

“Inuu hooyadiis ka mamnuucay daawashada ciyaaraha ayaa ka mid aheyd waxyaabihii uu ka hadlay.”

Cristiano Ronaldo ayaa bixiyay wareysi dheer oo uu si weyn uga hadlay noloshiisa iyo waayihiisa kubada cagta, kaasoo ka baxay hilinka Ingariiska ee ITV.

Halyeeyga kubada cagta Ronaldo ayaa la fariistay wariyaha ITV Piers Morgan kaasoo su’aalo ka weydiiay dhan walba oo noloshiisa ah.

Ronaldo ayaa si furan uga hadlay qoyskiisa, waayihiisa ciyaareed iyo weliba qaar ka mid ah fadeexooyinkii soo wajahay ee qalqalgeliyay waayihiisa ciyaareed.

Waxa ay aheyd fursad dhif iyo naadir ah in la arko Ronaldo dareenka kala duwan ee Ronaldo ka bixinayay mowduucyo kala gedisan oo laga wareystay, mar uu ooyay iyo mar uu qoslayba isagoo xitaa sheegay inuu hooyadii ka mamnuucay daawashada ciyaaraha.

Waxaa jiray waxyaabo badan oo uu ka hadlay oo aan hal qormo lagu soo koobi karin, laakiin waxaan ka soo qaadaneynaa qodobadii ugu waa weynaa ee wareysigiisa.

1. Eedeyntii kufsiga oo ka dhigtay mid ceebeysan

Waxaa dhawaan la xiray kiiskii kufsiga ee loo heystay Cristiano Ronaldo kaasoo dhacay in ka badan 10 sannadood ka hor.

Waxa uu si furan uga hadlay dareenka xun ee ay gelisay xaalada kiiska kufsiga iyo weliba waxa ay eedeyntaan ku sameysay saaxiibtiis, caruurtiisa iyo waalidkiis.

“Waxay ku ciyaarayeen sharafteyda. Aad ayay iigu adkeyd” ayuu yiri.

“Waxaan leeyahay lamaane, waxaan leeyahay qoys, waxaan leeyahay caruur. Marka ay ku ciyaarayaan daacadnimadeyda, aad ayay u xun tahay, aad ayay iigu adkeyd.

“Maalin anigoo qolka fadhiga la jooga saaxiibteey ayaan warka ka arkay iyadoo laga hadlayo Cristiano Ronaldo ayaa sidaas sameeyay iyo sidaan sameeyay.

“Waxaan maqlay caruurta oo jaranjarada ka soo degaysa waxaana bedelay kanaalka sababtoo ah waxaan dareemay ceeb. Waxaan dareemay inaan ceeboobay.

“Waxay iga dhigtay qof dareen xun.”

2. Qoomamada Ronaldo uu ka qabo aabihiis

Xiddiga weyn ee kubada cagta Cristiano Ronaldo ayaa oohin jabsaday ka markii uu shaaca ka qaaday in aabihiis oo khamri cabe ahaa uusan fursad u helin inuu arko isagoo xiddig weyn noqday.

Ronaldo ayaa sheegay inuusan si fiican u garaneynin aabihiis oo askari hore ahaa laguna magacaabi jiray Denis ka hor inta uusan dhiman sannadii 2005 isagoo 52 sanno jir ah.

Ronaldo ayaa yiri: “Xaqiiqdii aabaheey uma aqaano si boqolkiiba 100 ah. Waxa uu ahaa qof cabsan mar walba. Waligeey wadahadal caadi ah lama yeelan. Aad ayay iigu adkeyd.”

Ka dib markii la tusay muuqaal laga duubay aabihiis oo wareysi ka bixinaya wiilkiisa ka hor tartankii Euro 2004 ee Portugal lagu qabtay. Cristiano Ronaldo ayaa ilinta isku celin waayay markii uu maqlay aabihiis oo ku faanaya isaga.

Ronaldo ayaa la weydiyay waxa ka dhigay mid murugoonaya marka uu soo xasuusto aabihiis kaasoo ay saameyn ku yeelatay dagaaladii uu ka galay Mozambique iyo Angola.

Xiddiga reer Portugal ayaa yiri: “Inaan ahay xiddiga koowaad, mana uusan helin fursad uu ku arko, ma uusan helin fursad uu ku arko abaalmarinada aan helayo iyo waxa aan noqday.

“Qoyskeyga waa ay arkeen, hooyadeed, walaalaheey, xitaa wiilkeyga igu weyn, laakiin aabaheey waxba ma uusan arkin, isagoo dhalin yar ayuu geeriyooday.

3. Inuu doonayo inuu guursado

Ronaldo ayaa sidoo kale amaanay gabadha ay saaxiibka yihiin ee Georgina Rodriguez oo canug u gashay islamarkaana ay isla korsanayaan labo mataano kale iyo wiilkiisa weyn ee Cristiano Jr.

Markii la weydiiyay haddii uu guursanayo Georgina, waxa uu Ronaldo ku jawaabay: “Maalin uun waan isguursan doonaa. Waa hubaal inaan maalin uun isguursan doono.

“Waa riyada hooyadeey. Sidaasi darteed maalin uun waa ay dhici doonta. Maxaa diidaya?”

Piers Morgan ayaa ka dib ku yiri: “Waxaad tahay 34 sanno jir, waxaad heysataa afar caruur ah, guurka miyaad ka carareysaa?

Ronaldo ayaa ku jawaabay: “Fadlan cadaadis ha igu saarin”

Laakiin Morgan ayaa ku celiyay: “Guurka waad ka fogaaneysaa”

Iyadoo Ronaldo uu ugu danbeyn yiri; “Waa hubaal maalin uun waan guursan doonaa.”

4. Miyuu Ronaldo heystaa hanti gaareysa nus bilyan doolar?

Ronaldo ayaa si daacad ah uga hadlay hantida uu heysto, iyadoo Morgan uu weydiiyay haddii ay run tahay in hantidiisa ay gaareyso nus bilyan doolar.

“Waan u maleynayaa, waan rajeynayaa. Waxaan u maleynayaa inay taasi badan tahay” ayuu yiri isagoo qoslaya.

“Boqolkiiba 100 ma hubo laakiin waxaan dhihi karaa inay lacag fiican bankiga iigu jirto”

Waxaa ka dib la weydiiyay inta gaari uu leeyahay isagoo sheegay inuu leeyahay 17 gaari.

Gawaarida uu leeyahay waxaa ku jira labo Bugatti, labo Ferrari, labo McLaren iyo labo Rolls-Royce.

Intoodaas wuxuu u jecel yahay Rolls-Royce.

5. Inuu hooyadiis ka mamnuucay daawashada ciyaaraha

Ronaldo ayaa sheegay in hooyadiis ay labo jeer suuxday mar ay daawaneysay kulamada waa weyn, sidaasi darteed uu haatan ka mamnuucay daawashada ciyaaraha

Waxa uu yiri: “Waxay noqotaa mid walwalsan marka ay ciyaaraheyga daawaneyso, mana fahamsani sababta.

“Haatan uma ogolaado daawashada ciyaaraha gaar ahaan kulamada waa weyn

“Waxaan leeyahay saaxiibo iyada la jooga, waxaana ay ku dhex socotaa guriga. Waxa ay labo jeer ku dhex suuxday garoonka. Aad ayay u walwashaa.

“Aabe la’aan ayaa ahay haatan ma doonayo inaan hooyo la’aan noqdo, sidaasi darteed waxaan u sheegay inaysan daawanin semi-finalka iyo finalka, waxaan ka mamnuucay daawashada ciyaaraha

6. Goolkiisa ugu fiican inuusan ka fiicneyn galmada uu la sameeyo saaxiibtiis

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in goolkiisii ugu fiicnaa abid inuu yahay goolkii uu ka dhaliyay Juventus ee Champions League.

“Waxaan isku dayay inaan goolkaan dhaliyo muddo sannado ah. Waxaan dhaliyay in ka badan 700 gool laakiin tan oo kale ma dhalinin. Waxay aheyd gool qurux badan oo aan si fiican u booday.

“Qaabka aan ku sameeyay Gianluigi Buffon ee kulankii Juventus ee Champions League. Waxay aheyd gool aad u qurux badan.”

Morgan ayaa ka dib weydiiyay haddii goolkaas uu uga fiican yahay galmada

“Maya, maya, iskuma dhigmaan, Georgina ayaa iiga fiican, maya!” ayuu yiri Ronaldo isagoo ku qoslaya su’aasha.

7. Inuu u qalmo Ballon d’Or ka badan Messi

“Waxaan jeclaan lahaa inaan ku guuleysto Ballon d’Or ka badan inta aan haatan heysto, waxaana qabaa inaan u qalmo” ayuu yiri xiddiga Juventus.

“Messi waa nin fantastik ah, waa ciyaaryahan fantastik ah. Waxa uu ku jiraa taariikhda kubada cagta, laakiin waa inaan helo lix ama todoba ama sideed Ballon d’Or si aan uga sarre maro.

Advertisements

“Xiriirka naga dhaxeeya ma ahan mid saaxiibtinimo laakiin waxaan masraxa wadaagnay 15 sannadood.

“Xiriir fiican ayaan la leeyahay, xafiiltankiisa ayaa iga dhigay ciyaaryahan fiican isna ka dhigay ciyaaryahan fiican.”

2 responses to “Sababta Uu Hooyadii Uga Mamnuucay Daawashada Ciyaaraha, Isbarbardhiga Goolkiisii Ugu Fiicnaa & Galmada Iyo 7 Waxyaabood Uu Cristiano Ronaldo Uga Hadlay Wareysigii Uu Siiyay ITV”

  1. moh'ed dek says:

    waa arin xiiso bdn

  2. wa arin xiso leh