Daaficii Real Madrid Oo Loo Heysto Inuu Keydsaday Islamarkaana Qeybiyay 297 Sawiro Caruur Qaawan

Advertisements

Daaficii hore ee Real Madrid iyo xulka Jarmalka Christoph Metzelder ayaa maxkamad la soo taagayaa ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu keysaday islamarkaana qeybiyay sawirada caruur qaawan oo aan qaangaadh aheyn.

40 jirkaan ayaa markii ugu horeysay waxaa dacwadiisa loo gudbiyay maxkamada bishii September ee sannadkii la soo dhaagay, waxaana haatan dacwadiisa la qaadi doonaa 29ka April ee sannadkan.

Sida ay sheegayaan wargeysyada Jarmalka ka soo baxa ee Bild iyo Der Spiegel, Metzelder ayaa aqbalay eedeymaah loo heysto ee an inuu keydsaday 297 sawiro caruur qaawan oo aan qaangaadh aheyn ka dib markii ay boliiska baareen gurigiisa iyagoo la wareegay taleefankiisa iyo computer-kiisa.

Ciyaaryaahnkii hore oo sidoo kale u soo dheelay kooxaha Borussia Dortmund iyo Schalke ayaa lagu eedeeyay in qaar ka mid ah sawirada ugu diray WhatsApp seddex dumar ah.

Warbaahinta Jarmalka ayaa sheegeysa in maxkamadeynta ciyaaryahankii hore ee Real Madrid inay socon doonto muddo labo isbuuc ah.

Waxaa la filayaa in la xukumi doonaa 10ka bisha May isagoo muteysan doona xabsi muddo dheer ah.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*