Glen Johnson Oo Ka Hadlay Tartanka Loogu Jiro Hanashada Horyaalka Premier League – Kooxdee Ayuu Libinta Siiyay?

Advertisements

Daafacii hore Liverpool Glen Johnson ayaa kasoo muuqday shaashadaha wuxuuna ka hadlay sheekada saadaalinta horyaalka Premier League oo la aaminsan yahay iney mar kale ku tartami doonaan Manchester City iyo Liverpool.

Xiddigii hore qaranka England wuxuu aaminsan yahay in Reds ay tahay kooxda ugu xoogan ee hadda aadka loola xiriirinayo iney hanan karto tartanka maadaama aysan wax dhibic ah lumin tan iyo bilowga fasalka.

Liverpool waxey haatan shaqeysatay 24-dhibcood iyagoo ciyaaray 8-kulan, mana jirto koox kusoo dhaw iyadoo Man City oo difaacaneysa tartanka ay leedahay 16-dhibcood.

Reds waxey loolan ugu jirtaa iney hanato horyaalka Premier League markii ugu horreysay, sidoo kalana ay muddo 30-sano kadib hanato horyaal.

“Kadib kulamadii isbuucii ugu dambeeyay, waa inaad dhahdo Liverpool ayaa ah kooxda ugu cad-cad ku guuleysiga horyaalka Premier League” ayuu yiri Glen Johnson.

“Sideed dhibcood waa dhibco aan caadi aheyn, waxa kaliya ee ka dhigaya iney kuwa kale ka wanaagsan yahiin waxey tahay waa kooxda kaliya aan wali wax dhibic ah lumin”

Advertisements

Sidoo kale Glen Johnson wuxuu aaminsan yahay iney wax layaab ah noqon doonto xitaa hadii kooxdaan la garaaco, maadaama ay soo bandhigeen awood dheeri ah.

Ugu dambeyntiina Glen meesha kama uusan saarin in Manchester City ay tartami doonto isla markaana mid walba oo ka mid ah uu aaminsan yahay wali iney fursadi jirto.