RIKOOR XUN: Cristiano Ronaldo Waa Xiddiga 2aad Ee Ugu Laad Xor Tuurista Xun Taariikhda Horyaalka Serie A

Advertisements

Cristiano Ronaldo kuma riyaaqin inuu kaalinta seddexaad ka soo galay abaalmarinta xiddiga sannadka adduunka ee Lionel Messi uu qaaday horaantii isbuucaan.

Xitaa kama uusan qeybgelin xafladii ka dhacday magaalada Milan, laakiin runta waxay tahay in xididga reer Portugal uusan ku riyaaqin sannadkan 2019 isagoo dhaliyay 15 gool 24 kulan uu u saftay Juventus sannadkan.

Weeraryahanada intooda badan ayaa jeclaan lahaa gooldhalin intaas la eg, laakiin heerka uu Ronaldo joogo iyo waxa looga bartay ma ahan tiro ku haboon maqaamkiisa.

La yaabse ma ahan madaama Ronaldo uu 35 sanno jir noqonaya bisha Febraayo.

Waxaan u baranay rikoorada gooldhalin ee uu inta badan jabiyo laakiin waxaa dhawaan Italy looga diiwaangeliyay rikoor ceeb ah.

Sida ay sheegtay Ultimo Uomo oo Talyaaniga ka soo baxda, Ronaldo ayaa ah istaatistiko ahaan ah xiddiga labaad ee ugu laad xor tuurista xun taariikhda Serie A.

18 jeer ayuu laad xor ah tuuray horyaalka Talyaaniga isagoo aan midkoodna dhalinin. Kaliya Camilo Ciano oo u ciyaarayay Frosinone xilli ciyaareedkii hore ayaa 21 jeer laad xor ah tuurin isagoo aan waxba dhalinin.

Marka aad ku darto laadadka xorta ah ee uu tuuray Champions League, wadar ahaan Ronaldo wuxuu tuuray 24 laadad xor ah oo uusan u dhalinin Juventus.

Advertisements

Waxa uu darbiga garaacay 15 jeer, labo jeer waxa seegay bartilmaameedka halka todobo jeer laga badbaadiyay.

Xiddiga ay Juventus kawada ciyaaraan ee Miralem Pjanic ayaa hal laad xor ah lix jeer uu tuuray.