Cristiano Ronaldo Oo Laga Dalbaday Inuu Raalligelin Siiyo Taageereyaasha Juventus

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa laga dalbaday inuu raalligelin siiyo taageereyaasha kooxda kubadda cagta Juventus, kaddib markii ay kooxdaasi wareegga 16ka kaga hadhay tartanka Champions League.

Advertisements

Ronaldo ayaa labadii lugood ee FC Porto ay la ciyaareen aan midkoodna wax gool ah dhalinin, waxaana saddexdii xilli ciyaareed ee uu joogay Old Lady uu kaliya u saxeexay 14 gool oo Champions League ah.

Halyeygii Juventus ee Alessio Tacchinardi oo ka hadlay ka hadhitaanka Juventus ee Champions League auaa waxa uu eedaymo u jeediyey laacibka reer Portugal ee Ronaldo oo uu ka dalbadayy inuu raalligen bixiyo maadaama kooxdu ay ula soo saxeexatayy inuu ka caawiyo inay ku guuleystaan Champions League, sidoo kalena aanu labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey wax goolal ah dhalinin.

Alessio Tacchinardi oo la hadlayay idaacadda TMW Radio ayaa yidhi: “Cristiano Ronaldo waa la nasiyey ciyaartii toddobaadka ee horyaalka ee Lazio, markaa miyaanay ahayn inuu shaqo fiican qabto kulankii Porto?

Advertisements

“Federico CHiesa ayaa la hadlay TV-ga laakiin waxaan filayay in Ronaldo uu sidaa sameeyo. Sidoo kale waa inuu raalligelin siiyo taageereyaasha.”

Tacchinardi waxa kale oo uu eedaymo u jeediyey ciyaartoyda Juventus qaabkii ay ula ciyaareen Porto, waxaanu yidhi: ‘Waligay kamaan filaynin in Juventus ay sidaa u ciyaarto, khaasatan qaybtii hore.

“Ciyaar sidan muhiim u ah waxay ahayd inay iskugu diyaaariyaan si ka duwan. Waxaan layaabay sida ay qaabkaas ugu ciyaareen iyagoo lugtii hore laga soo badiyey. Waxay heleen fursad ay ku garaaci karaan, haddana qaybtii hore ayay sidaa u ciyaaareen… ma lumin kartid fursad noocaas ah.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*