Cristiano Ronaldo Oo Ku Soo Labistay Dhar Fool Xumo Lagu Tilmaamay Oo Jooga 1500 Doolar & Asxaabtiisii Juventus Oo Ku Maadeystay

Cristiano Ronaldo ayaa waxaa ku maadeystay asxaabtiisa Juventus ka dib markii uu ku soo labistay shaati iyo daba gaab isku ek oo ay sameysay shirkada Louis Vuitton oo qiimahooda uu gaaraya 1500 doolar.

Weeraryahanka Juventus oo 35 sanno jir ah ayaa sawir uu isaga soo qaaday labiskiisa waxa uu soo dhigay Instagram, iyadoo shaatiga iyo daba gaabka ay ka sameysan yihiin midabo kala duwan, wuxuu soo raaciyay qoraal ah: “Jawi fiican ayaan ku bilaabanayaa isbuuc dhamaadka, iyo labis fiican”

 Cristiano Ronaldo was trolled by team-mates for his questionable £1,250 matching Louis Vuitton combination

Inkastoo uu daba gaabka joogo 610 doolar halka shaariga uu joogo 810 doolar hadana Ronaldo ayaa maad kala kulmay asxaabtiisa haatan iyo kuwii hore ee Juventus iyadoo ay si gaar ah wax uga sheegeen Leonardo Bonucci iyo Medhi Benatia.

Bonucci ayaa ka jawaab celiyay labiska Ronaldo isagoo soo qoray seddex emoji oo uu wajiga gacanta saartay wuxuuna soo qoray: “Lama rumeysan karo!!!”

Daafaca Benatia oo ka tagay Italy kuna biiray kooxda reer Qatar ee Al-Duhail ayaa yiri: “Labis fiican uma maleynayo”

Xiddigii hore ee Juventus Claudio Marchisio ayaa isna uga falceliyay sawirkaan emoji badan oo uu qosol ku muujinayo.

Ronaldo oo dhawaan dalxiis la aaday saaxiibtiisa Georgina Rodriguez ayaa shabaqa soo taabtay labadii guul ay Juventus gaartay tan iyo markii uu xilli ciyaareedka horyaalka Talyaaniga dib u bilowday.

Laakiin tababare Maurizio Sarri ayaa ku baaqay inuu 35 jirkaan u baahan yahay in la ilaaliyo madaama uu haatan galayo gabagabadii waayihiisa ciyaareed.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*