Cristiano Ronaldo Oo Fariin Qalbiga U Xoojineysa U Diray Xiddiga Sida Xun U Dhaawacmay Ee Andre Gomes.

Advertisements

Weeraryahanka Juventus Cristiano Ronaldo ayaa fariin dhiirigalin ah u diray saaxiibkiisa qaranka Andre Gomes kaas oo dhaawac xun uu soo gaaray kulankii ay kooxdiisa todobaadkaan barbaraha lagashay Tottenham Hotspur.

Gomes ayaa laga yaabaa inuu ugu yaraan sanad ka maqnaado garoomada kubadda cagta, kadib markii qalad uu ka galay Son Heung-min uu sababay iney isku dhacaan Serge Aurier, jab ayaana soo gaaray.

Xiddigii hore Barcelona wuxuu helay dhawr fariimood oo kaga yimid ciyaartoyda kubadda cagta qaarkood, balse markaan waxaaa fariin usoo diray kabtanka qarankiisa Portugal Cristaino Ronaldo kaas oo baraha bulshada dareenkiisa kusoo bandhigay.

Ronaldo oo adeegsanaya sawir uu gool kula dabaaldagayo Andre Gomes ayaa instagram-ka kusoo qoray: “Si awood leh ayaad usoo laabaneysaa”

Advertisements

Si kastaba xiddigaan ayaa ka mid noqday ciyaartoyda ugu fiican horyaalka Premier League tan iyo markii uu soo gaaray Everton, wuxuuna boos joogto ah ka helay kooxda uu hogaamiyo Marco Silva.

Dhanka kale xiddigaan wali lama shaacin wakhtiga rasmiga ah uu garoomada ka maqnaan doono balse waxaa la isku raacay inuusan fasalkaan mar kale ciyaari doonin.

3 responses to “Cristiano Ronaldo Oo Fariin Qalbiga U Xoojineysa U Diray Xiddiga Sida Xun U Dhaawacmay Ee Andre Gomes.”