Cristiano Ronaldo Oo Barbareeyay RIKOODHKII Ugu Weynaa Taariikhda Kubada Cagta

Advertisements

Cristiano Ronaldo ayaa barbareeyay rikoodhkii Josef Bican oo loo aqoonsan yahay inuu yahay ninka ugu goolasha badan kulamada rasmiga ah ee koox iyo wadan ee dunida.

Weeraryahanka Juventus ayaa dhaliyay goolkiisii 759aad daqiiqadihii ugu danbeeyay ee kulankii ay Juventus xalay ka badisay Sassuolo.

Wuxuu u baahan yahay gool kale si uu u noqdo xiddiga ugu goolasha badan abid taariikhda kubada cagta.

Bican oo ahaa weeraryahan u dhashay Czech Republisc ayaa u soo ciyaaray kooxo badan oo ay ka mid yihiin Rapid Wien, Admira, Slavia Prague iyo Dynamo Prague intii u dhaxeysay 1931 iyo 1955.

Ronaldo ayaa todobaadkii la soo dhaafay jabiyay rikoodhka goolashii rasmiga ahaa ee loo diiwaangeliyay halyeeyga Brazil Pele.

Laakiin Pele ayaa sheegay in xiddiga Juventus uusan weli jabinin rikoodhkiisa goolasha iyadoo Pele uu ku adkeysanayo inuu dhaliyay 1283 gool waayihiisa ciyaareed.

Laakiin inta badan goolashaas waa kuwa uu ka dhaliyay kulamo aan tartan rasmi ah aheyn.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*