“Cristiano Ronaldo Kaliya Waxa Uu Ka Fikiraa Goolashiisa Iyo Rekoodhadiisa, Waxa Uu Ahaa Dhibaatada Sarri Imikana Pirlo Ayuu……”

Weeraryahankii hore ee xulka qaranka Talyaaniga ee Antonio Cassano ayaa aaminsan in xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo uu yahay mid kaliya ka fikira rekoodhadiisa gaarka ah halkii uu muhiimad guud uga keeni lahaa kooxda oo dhan.

Advertisements

Dhawaan ayay ahayd markii Ronaldo iyo kooxdiisu ay la kulmeen qalbi jab kale kaddib markii ay FC Porto ka reebtay Champions League, Ronaldo ayaa aad loogu eedeeyay inuu qalad ku lahaa laadkii xorta ahaa ee sababta u noqday in kooxdiisu hadho.

Cristiano Ronaldo is SELFISH and struggling to adapt to Andrea Pirlo's ideas, claims Antonio Cassano | Daily Mail Online

Haatan Cassano Oo Bobo TV waraysi siiyay ayaa ku dooday in Ronaldo uu yahay mid kaliya goolashiisa ku waalan isla markaana uu ahaa caqabadii kooxda ku haysatay tababarihii hore ee Maurizio Sarri haatana uu yahay mid hakinaya Andrea Pirlo.

Antonio oo muddooyinkan ugu dambeeyay eedaynta CR7 joogteeyay ayaa yidhi “Haddii aad iibiso Cristiano waxaad helaysaa 100 milyan oo euro oo aad kusoo iibsan karto dhawr ciyaaryahan oo heer sarre ah”

Advertisements

“Sanadkii hore Sarri ayaa bilaabay kubadii ugu fiicnayd sanadahan dambe waana la caydhiyay, dhibtiisu waxa ay ahayd Cristiano Ronaldo, ma heli kartid tababare doonaya inuu kubadda cagta (Kubad qurxoon) ku ciyaaro Cristiano Ronaldo, isagu waxa uu hakinayaa Pirlo”

“Cristiano kaliya waxa uu ka fikiraa goolashiisa iyo rekoodhadiisa, haddii aad tahay madaxweyne oo aad doonayso inaad bilawdo mareeg cusub ma siin kartid tababare shaqada ku cusub masuuliyada uu ku maamulayo qof sida Ronaldo oo kale ah”

“Kulusevski tusaale ahaan waa mid aad u saamayn badan, dadka yar yar ee shaqsiyad la’aanta ahi waxa ay wajahaan dhibaatooyin” ayuu hadalkiisa kusoo xidhay Cassano.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*