“Cristiano Ronaldo Hala Siiyo Ballon d’Or Sababtoo Ah Halis Ayuu Galay Oo Waxa Uu Ka Tagay Kooxda Ugu Wanaagsan Dunida, Messi Wali Kooxdiisii Ayuu Joogaa!!”.

Advertisements

Tababarihii hore ee kooxaha Chelsea iyo Tottenham haatana hoggaanka u haya kooxda ree France ee Marsille ee Andre Villas Boas ayaa hanashada abaalmarinta Ballon d’Or u rajeeyay Cristiano Ronaldo isaga oo sheegay sababta uu ugaga hiilinayo Lionel Messi.

Abaalmarinta ayay sanadkan ku tartami doonaan Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo Virgil Van Dijk iyadoo ay Messi iyo Van Dijk horeba ugu soo kala guuleysteen The Best iyo Xiddiga sanadka ee qaarada Yurub sida ay magacyadoodu u kala horreeyaan.

Natiijada sawirka villas boas marseille

Haatan Villas Boas oo kala dooranaya xiddigahaas ayaan ugu horreynba soo hadal qaadin magaca Van Dijk balse sheegay in Ronaldo uu ka mudan yahay Messi sababtuna ay tahay in CR7 uu halis is galiyay oo uu u wareegay horyaal cusub balse uu wali Messi kooxdiisii joogo.

Andre ayaa hadalkiisa ku bilawday “Way adagtahay, Anigu waxaan ahay Portuguese sidaad darteed anigu dabcan waxaan in badan taageeraa Ronaldo”.

“Cristiano halis ayuu ku qaatay ka tagista kooxda ugu wanaagsan dunida oo darajooyin badan ku leh dunida, Halista noocaas ah waa in la taageero, In Talyaaniga laga ciyaaro oo goolal la dhaliyaa way adagtahay”.

Advertisements

“Messi waxa uu wali joogaa kooxdiisii, Barcelona oo ah koox weyn, Waxa uu awoodaa inuu sameeyo kala duwanaanshaha laakiin anigu waxaan in badan la jiraa Ronaldo sababtoo ah waxaan ahay Portuguese”.

“Labadooduba waa kuwo khaas ah, Way adagtahay in la doorto, Waxa ay noqon doontaa (Ballon d’Or) tartan iyaga u dhexeeya”.

Comments are closed.