“Cristiano Ronaldo Ayaan Garankiisa Weydiistay Balse Isaga Oo Aan Isoo Eegin Ayuu Igu Yidhi MAYA, Waxaan Dareemay…….”

Daafaca bidix ee kooxda Atalanta ee Robin Gosens ayaa shaaca ka qaaday sheeko layaab leh oo ka qabsatay weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo kaddib markii uu weydiistay maaliyadiisa inuu siiyo ciyaar dhex martay labada kooxood kaddib.

Advertisements

Gosens ayaa kamid ah kooxda tababare Gian Piero Gasperini ee horyaalka Serie A awooda cadaanka ah ku muujinaysay sanadahan ugu dambeeyay isla markaana sida joogtada ah ugu soo baxaysay UEFA Champions League.

Bek Atalanta Ini Trauma Dipermalukan Cristiano Ronaldo

Robin Gosens ayaa sheegay inuu kaddib kulan ay garaaceen Juve u tagay Ronaldo si uu uga helo maaliyadiisa isla markaana riyadiisa u rumeeyo balse CR7 uu ka diiday codsigaas xataa isaga oo aan soo eegin.

“Kaddib kulan aanu kahor tagnay Juventus, waxaan isku dayay inaan rumeeyo riyadayda ah inaan garanka Ronaldo haysto” ayuu yidhi Robin oo la hadlayay SportItalia.

“Kaddib siidhigii ugu dambeeyay isaga ayaan u tagay, xataa maan tagin meesha ciyaartoydu ku buuqayeen si aan u dabaaldego, laakiin Ronaldo ma uusan aqbalin, waxaan isaga weydiistay ‘Cristiano, garankaaga ma heli karaa?”

“Xataa imuu soo eegin, kaliya waxa uu yidhi ‘Maya’, waxaan ahaa mid khajilaad wajigu la casaaday, waan tagay waxaanan dareemay yaraan”

“Ma garanaysaa dareenka wakhtigaas aad la kulanto wax khajilaad leh ee aad hareeraga eegto si aad u aragto haddii ay cidi ogaatay?, taasi waa sida aan dareemay waxaan isku dayay inaan qariyo”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*