CODEYN: Liverpool vs Man City – Kooxdee Guusha Heli Doonta Kulanka Anfield? Fikirkaagana & Saadaashadana Ka Dhiibo.

Advertisements

Berito (Axad) waxaa jira kulanka ugu weyn qaaradda yurub marka lagu jaangooyo awoodaha kooxaha, sidey labadii sano ee ugu dambeysay ugu dagaalamayeen horyaalka Premier League iyo sida uu xaalkooda hadda yahay, waxaana la isugu imaan doonaa garoonka Anfield oo ah garoon aysan jecleyn iney koox walba oo qaaradda yurub ah booqato.

Manchester City wax guul ah kuma gaarin gurigaas ku yaala gobolka Merseyside tan iyo 2003, Pep Guardiola saddex jeer ayuu soo booqday gurigaan hal jeer ayuu guuldaro ka badbaaday, balse markaan wuxuu doonayaa inuu soo afjaro rikoorka xun oo uu ka heysto gurigaan ay leedahay Liverpool.

Macalinkaan wuxuu ka dhawaajiyay in Reds ay tahay kooxdii ugu adkeyd abid uu wajaho, isagoo iska indho tiray kooxdii Real Madrid ee isagoo jooga 100-ka dhibcood ku qaaday horyaalka La Liga, waxaana markaas hogaaminayay Jose Mourinho.

Si kastaba kulanka berito waa mid dhimasho iyo nolol u ah kooxda uu hogaamiyo Guardiola, guuldaro ay la kulmaan waxey gali karaan kaalinta 4-aad waase hadii ay guulo gaaraan Leicester City iyo Chelsea oo maanta kulamadooda ciyaaraya, sidoo kalana 9-dhibcood ayey ka hoos marayaan Liverpool.

Balse hadii ay guuleystaan waxey dhadhan u yeeli doonaan tartanka horyaalka, waxey 3-dhibcood u jirsan doonaan hogaanka, sidoo kalana tartanka wuxuu noqon doonaa mid furan maadaama xitaa kooxaha kale ay soo dhawaanayaan.

Manchester City waxaa ka maqan in ka badan shan ciyaartoy oo kuwa ugu muhiimsan ah waxaana laga xusi karaa: Leroy Sane, Rodri, Ederson Moares, Zinchenko iyo Aymeric Laporte kuwaas oo udub dhexaad u ahaa shaxda tababare Guardiola, halka Liverpool aysan dhibaato qabin marka laga reebo Salah oo wali lugta ka xanuunsanaya balse taam ah.

Haddaba codkaaga dhiibo, kooxdee is leedahay wey guuleysan kartaa:

Advertisements

HALKAAN KA CODEEY:

Yaa Guuleysan Kara Liverpool vs Man City?

Sidoo kale saadaashada kulanka iyo waxa aad is leedahay wey ka dhici karaan qeybta Comments-ka kusoo qor, hadii ay saadaashaada iyo habka falanqeyntaada ay noqoto mid qurux badan waan soo qaadan doonaa insha allaah kadib natiijada

85 responses to “CODEYN: Liverpool vs Man City – Kooxdee Guusha Heli Doonta Kulanka Anfield? Fikirkaagana & Saadaashadana Ka Dhiibo.”

      • Waar meeshan aad leedihiin man city ayaa badinaysa ha ilaawina in barcelona lagu reebay. Hadii aan saadaaliyo waxaa badinaysa liverpool 3-1. Goolashana waxaa dhalinaya mane,firmino,chamberlain.waa hadii chamberlain lagu soo bilaabo. Halka man city gool uu dhalinayo gabriel jesus. Insha allah.

  1. Manchester city ayaa guusha heli doonta manchester waxay kaga badinaysaa 2 = 1 kulankan waa noo muhiim waxn doonayna inaan soo afjarno farqiqa dhibacaha ee noo dhaxeeya hadii aan guulaysano wxn dhadhan iyo macn uyeeli doona PL

  2. Kulanka Anfield Ka Dhici Doona Waa Kulan Si Weyn Loo Sugayo .
    Laakiin Saadaashayda Iyo Ciyaarta Wag Is Waafaqi Doonaan 100%

    Liverpool Manchester City
    (Home) Vs. ( Away)
    1śt Half 1 Mane 1 R.Sterling
    ²nd Half 1 Chambelein 1 K.Aguero
    1 R.Sterling
    ———————
    2 V.s 3

      • asc markan isku dayo sadasha ciyarta dhax mari donto malinta axada Liverpool vs man city kuna dhax mari donto Anfield road wexey kuso idoan dontaa 3 IYO 2 oy guushu kuraceyso wilasha Klopp golasha waxa kala dhalin dono mo salah Bobby frmino iyo wan dak kuwa city Aguero iyo Starling

  3. Waxa badini doonta liverpool 3-1 man city
    Sababtoo ah liverpool waxey joogtaa gurigeda man city na record fcn kuma lahan Anfield, ciyartoy muhiim u ahna way ka maqanyihiin city.

  4. waa kulan aadiyo aad u xiisa badn mana ahn midka ugu dambeeya e horyaaalka waxnse ku cabirayaa natiijada kulankaan
    lfc 4:0 mcty
    wn ogahy inadn rumeysn karin lkn i qqmin bn kuleeyahy🤣🤣🤣🤣

      • Man city markey anfil jogaan wey cabsanayaan tbabare iyo ciyaar toyba sababtu waa meel lagacabsado anfin taasna cidwalba aya daremikarta mitaal wixii bacelona ku dhacay waalawada arkayey ayado 3 _0 kuso badiyey ayaa 4_ 0 loogu belelay marka
        Waxaa ka daremi karataa saadasha eybixi nayaan dadku intaas ayaa kaaga filan ani ahaa waxaan aminsanahay in liverpool ay badineyso

  5. Incha allh Waxaan rajaynayaa inay Liverpool ku badiso 3 vs 0 City ah Taas oo sobobaysa Home aanu nahay iyo Awooda Sanadka aanu leenahay Si aanu u Xaqiijino Soo Gacan GalinTa EPLka

    SadaaaL:
    Liverpool 3 vs Man City 0

  6. Liverpool aya badin doonta saadasheyda
    Liverpool 2-1 man city
    Mane iyo farmino goolasha
    Mahres man city

  7. Waa taageere mancity ah:
    waxaan sadaalinayaa in Man city Ku Badinayso Liverpool 1:3 Mancity
    waxaana aad u shaqayn doona varka oo dhigi doona rigoore
    waxaa liverpool ka dhaawacmi doona mid ka mida xidigaheeda
    goolasha mid ka mida waxaa dhalinaya De bruene ama sergio Aguero.
    city waxaa ka dhaawacmi doona Fernandinho ama casaan qaadan doona.laakiin xili danbe oo ay wax yardhimantayah. waa saadaalin kaliy laakiin Illaahbaa qaybka og ama waxa dhici doona.

  8. barbar dhac walbo sababtoo ah wali rajaan ka qabnaa hanasha horyaalka chelsea wax walba weey dhicidonaan insha allah

  9. Waxa badin donta sida iska cad Liverpool wayo gurigoda waxa ku thy boqorad aduunka oo dhan mamusha
    Ciyartana waxa ay dhamaan donta
    Liverpool 2
    Man city 1

  10. Waxa iska Cad inay liverbool Ka awood wayntay
    Man city Marka La Eego Iyadoo Jogta Gurigeedi sidaa
    Daredeed waxa Badin DoonTa Liverbool,Mida Kale
    Man city waxay Cabsi Ka Qabtaa Taaraabuunka liverbool
    Oo ah kuwii qasaska Iyo Rabshadaha Kenay Kulanki
    Championka sanadkii Hore

  11. liverpool baa guulaysanaysa
    waxaan qabaa in kulankaani uu yahay mid furan oo aad u xamaasad badnaan doona hadii aan khibradayda isticmaalo oo aan qaymeeyo karoonka anfield iyo kulanka waxaab filaayaa iney liverpool badin doonto
    waa kulan cajiib ah oo ay kadhici karaan waxyaalo badan oo saamayn kuyeelan kara horyaalka waxaan filayaa iney dhiman doonto rajada mancity
    Abdiweli A.serar

  12. Garonki dhimashada waye garonkani marka mncity gul kafog haday barbareyan ayaba mucjisa ah lkn liver aya badinaysa say ilatahay anniga
    Haynu eegno li.2.1.mn

  13. Liverpool 2 0 man’city…………………………………………………. waxyi iguma soo dego hadana wax ima seegaane

  14. Waxan Hubaa hadii man city kubad furan ciyaarto walaga badinaya lkn haday hab diifaac ugasho garoonka dhibta badan inaan kubadu xalad yelanayn baarjo kudhamaandoonto sidii sanadkii dhawa dhacaday oo kale lkn liverpool wey halis badantay waxa dhiirigaliyey chanpionki marka cid wax iskaga tirinmayso

  15. ciyaartaa hadaan saadaaliyo
    waxay ku soo dhamaan doontaa
    4-1 ay guushu ku raaceyso man city
    liver poolna waxan xasuusinayaa in
    sabadkii hore iyadoo 7 dhibcood ku
    haysa in gacmaheeda lagala baxay
    koobka man city guul insha allahz😘

  16. Liverpool Iyo man City Kulankan hadan sadaliyo walipa aan ufiriyo labada koxod kuwo awooda sareyey mrka wada kulmayeen sanadihi hore blse anu hada wxan huba in city ay ka badan donto liverpool walipa golal city ay dhalintoondo

  17. waxaa hubaal ah in ay liver badinyso
    waxa kliya ee aan dhihi kadho mn city
    niyad bay u thy waa bareejo
    lkn inta la joogo goroonka anfield wax
    walba filo liver waa ku waaalaysaaah
    qiyaastii waxay ku dhmmaaanysaah
    liver:city=2:0

  18. Waxa badin doonto kooxda kubada cagta ee man city okay Liverpool 1 man city 4 red card ee qadan dontaa Liverpool

  19. Aniga arag tidayda waxaan guulaysanaysa liverpool sababtoo ah hadda wey ka wanaaagsan thy man city waxaana ku saadilinayaa kulankan
    Liverpool 3-1 man city

  20. hadii aan fikirkayga ka dhiipto run ahaanti wxan hubaa inay liverp00l duban doonto cwa city yrizey 00 ay 4:1 usoo dhiipi doonto
    hana ilaawin in hlkan barca lagu xzuuqay
    Fc 0rigi😂✊ cwana wxan sugna Waa azagoo City ku dhex kuvzanaya Anfield✋

  21. Waxan ahay tageere liverpool ah laakin dadka dhahaya man city ayaa 3 looga badinaya maqabo waa koox weyn heysata ciyartoy qibrad leh lamana dhayalsan karo waxan ku sadalin lahaa liverpool 2 man city 1

  22. Wa ciyar in la saadaaliya ay adagtahay lkn waxn is keyahay waxay ku dhamnaysa 5-2 waxana dhici dona ugu yaraan hal red iyo malaha hartrick

  23. Waxa badindoonaa liverpool sababto oo ah goobtu waa Anfield oo kooxaha reer yurub ka duceystaan nasiib wacan city 4 liverpool 1 CITYM

  24. sadashaydu wxay tahay inay kusoo dhaman doonto 3 iyo 2 guushuna ay raacaysa liverpool wxa kla dhalinaya firmino robertsom iyo mane halka city ay u dhalinayaan daafac iyo weerar

  25. Sadaashayda anigu waaa ina LIVERPOOL afka ciida loo dari doono wxaaana kusaadaalinayaaa 0:1 goolkana waxaa dhalin doono wakhti danbe KEVIN DE BRUNY darbo aad u xoog badan

    In sh allah CITYZISES GUUL WCN

    • aragtidayda hadaan ka dhiibto ciyaartaas adag waxaa 2-1 ku badin doonta kooxda difaacanaysah hryaalka ee MAN CITY inzhlah

  26. Marka aan Eegno awooda liverpool e jidh ahaaned iyo awooda ay ku dhex Leeyihin Anfield Sido kale ay wali maankooda ku jirto in ay sanadki hore horyaalka u waayen Natiijadi 2-1 ahayd e Ittihad ay kalaso kulmeen iyo in ay mudo 30 sano ku dhaw aysan horyaalkan arkin EPL ka ah arkin So kale ay khibrad badan ka heleen Fursadi ay sanadki hore isu daba mariyen Horyaal Qaybti Hore E season ka Iyo waliba bilowga qaybti labaad ba Gacantooda ku Jiray waxaan is dhihi kara LIVERPOOL cayaarta axada Dagaalka Koobad Waxay u Gali doonan kaliya in ay Guul darro ka Fogaadan Xatah Bareejo Liverpool Guul ayay u Tahay ani

    Lkn man cty O dhaawacyo La dageen iyo walwalka ay Anfield ka qaban sida Ay Horayba u sheegen Pep iyo Kavin waxay ila Tahay in Cayaartaas u Pep ku Khasbanan doono inu Maareyo kaliya kubada iyo Weerarada liverpool Halki uu Weeraro Badan samayn laha

    Ani ahaan *LIVERPOOL=2 MAN CTY 0

    WAbillahi towfiiq

  27. Way badinkartaa liverpool hadii uu chamBelien iyo naby kenta

    Natii Hadaan raraynayaa waaa

    Liverpool 4:0 city

  28. mancity baguulaysanay waayo way ka awood badantahay kulankii udanbeeyay city iyaga iskaga ciyaray fursad rikoore Oo uu mehres khasarinayay wayna ka awood badantahay Liverpool baryahan dirqi uunkubadisaa Markaas sidii hore maha Liverpool City waanadi horyaal ugahadha

  29. LiVervoop 4 man city 1
    First half goals for mane and firmino man city will score goal
    At first half sterling
    Second half salah will score goal and arnold free kick insha allah

  30. Wxn ahy tageero man city ah wynu ku dhman dontaa 3:1 sterling aguero iyo Maherz ayaa golasha man city u dhalin doona
    Liverpool mane ayaa goolka u dhalin doona incha allah
    Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa kooxdyda man city ⚽️👏
    Sababta oo ah man city wax mujin donta in ay thy kooxda England ugu awooda bdn pep wax uu mujin donaa inuu yhy mclnka ugu khibarda bdn aduunka

  31. Liverpool 4_1 maxaa yelay man city waxaa ka maqan ciyartoy muhiim ah kalop Bari ha ku soo bilaabo chamberlain MO Salah 2 mane 1 chamberlain 1

  32. Sadex arimood ayaa jira oo usahlaya liverpool guusha
    1:way la ficil ciyaarayaan wiilsha clop inka badan tii hore waayo waa kooxda kaliya ee egland labdii ciyaarood ee udanbaysay ka gacan saraysay city
    2:man city taariikh fiican kama haysato anfield 30 sanadood halmar ayay ku badiyeen
    3:man city waxaa ka dhaawaca shan ilaa lix xiyaartooy oo muhiim u ah shaxda guarduila

    Ani ahaaan waxay ila tahay liverpool way already way haysataa 3daas dhibcood.

  33. hadii aan fikirkeyga dhiipto, 4 iyo 0 ayey ku dhamaan doontaa, wadadii barca ay mqrtay ayey city mareysaa, waayo reds markey koox weyn la ciyarayaan waxaad moodaa sidii dad waalan oo garoonka laguso daaye, mana daalayaan mana raja dhigayaan. waana midaas sawabta aan 4 u rajeeye hadaanpa ka badin waa nasiib ay ledahay city.

  34. Man city Ayaa badin doonta maanta
    waayo wiilasha Pep Guardiola ma aqbali doonaan guuldaro Liverpool 0-4 Man city ISHA ALLAH Kun aguero 2 goal Bernardo Silva 1 goal Raheem sterling 1 goal

  35. Magacayga waa cabdirasaq waxaana joogaa Ethiopian aragtideeyda ciyaartaa waxaa waaye sidaan man city 1 3 Liverpool ciyaartana saan ayee kudhamaaney Hogaankana sidaas ayeey Liverpool kuheenaaysaa saas ma aahanoo taageerayaasha Liverpool hadla waa mahad santihiin halahaa codkeeyga dhiibtay hana iloowina inaad codkiiyna qaaliga ah inaad isiiysaan