CODDAYN: Jamaahiirta Premier League Oo Ugu Dambayn Cod Ku Go’aamiyay Daafaca Abid Ugu Fiican Horyaalkaas – Terry, Vidic, Ferdinand, Kompany & Van Dijk Oo Si Buuxda U Kala Calaf-Qaaday.

Advertisements

Jamaahiirta horyaalka Premier League oo ka coddaynayay kanaalka Sky Sports ayaa ugu dambayn cod ku go’aamiyay daafaca abid ugu wanaagsan horyaalkaas iyadoo ay dood xoogani markii hore ka taagnayd.

Tartankan ayaa ahaa mid dhex maray xiddigaha kala ah Rio Ferdinand, Nemanja Vidic & Jaap Stam oo Man United ka socday, Virgil Van Dijk oo Liverpool ah, Soll Campell iyoTonny Adams oo Arsenal ah  & John Terry oo Chelsea matalayay.

Sky Sports ayaa codkan ka dhigtay mid si buuxda loogu kala baxo waxaana ay sidaas darteed sameeyeen qaab isreeb-reeb ah oo kolba laba daafac la isku aadinayo isla markaana uu midkood soo baxayo.

Halkan Hoose Kaga Boggo Sidii Loo Kala Guuleystay Min Isreeb-Reebka Siddeed Dhammaadka Ilaa Final-ka.

Isreeb-Reebka Siddeed Dhammaadka Ee Koowaad

Vincent Kompany: 52%

Jaap Stam: 48%

13,369 Cod

Isreeb-Reebka Siddeed Dhammaadka Ee Labaad

Virgil Van Dijk: 51%

Tony Adams: 49%

23,163 Cod

Isreeb-Reebka Siddeed Dhammaadka Ee Saddexaad

Nemanja Vidic: 50%

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Coutinho Oo Furtay Akoonkiisa Goolasha Bayern, Lewandowski Oo Rikoor Barbareeyay & Bayern Munich Oo Hogaanka Bundesliga Qabatay

John Terry: 50%

26,061 Cod

Isreeb-Reebka Siddeed Dhammaadka Ee Afraad

Sol Campbell: 23%

Rio Ferdinand: 77%

22,713 Cod

Isreeb-Reebka Afar Dhammaadka Ee Koowaad

Vincent Kompany: 49%

Virgil Van Dijk: 51%

28,671 Cod

Isreeb-Reebka Afar Dhammaadka Ee Labaad

Nemanja Vidic: 57%

Rio Ferdinand: 43%

34,593 Cod

Final-ka Coddaynta & Guuleystaha

Virgil van Dijk: 45%

Nemanja Vidic: 55%

51,394 Cod

Advertisements

Daafacii hore ee Man United & xulka Serbia ee Nemanja Vidic ayaa noqday guuleystaha kama dambaysta ah ee ay jamaahiirtu u doorteen midkii ugu wanaagsanaa abid booskiisa ee horyaalka Premier League.

Nemanja ayaa shan horyaal lasoo qaaday Red Devils isagoo saddex jeer ku hoggaamiyay League Cup & Hal Koob oo UEFA Champions League ah.

Comments are closed.