Ciyaartoydii Ugu Fiicneed Oo Ay Soo Maamuleen Jurgen Klopp Iyo Pep Guardiola Oo Shax Laga Sameeyay Ka Hor Kulanka Anfield – Yaa Kasoo Muuqday?

Advertisements

Caawa labada macalin ee Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola ayaa isaga hor imaanaya kulan ka tirsan horyaalka Premier League iyagoo kala hogaaminaya kooxaha Liverpool iyo Manchester City, mana ahan markii ugu horreysay oo ay labadaan macalin isaga hor yimaadaan tartankaan, balse xiiso kale ayey caawa leedahay ciyaarta maadaama aad looga sheekeynayo wax walba oo labadaan tababare ay faleen.

Waxaa lasoo bandhigay shax lagu sheegay in laga sameeyay ciyaartoydii ugu fiicneed ee kasoo hoos ciyaaray labada tababare ee Pep Guardiola iyo Jurgen Klopp, waxaana inta ugu badan helay ciyaartoydii kasoo hoos ciyaartay macalinka reer Spain.

Jurgen Klopp wuxuu shaxdaan ku yeeshay kaliya hal ciyaartoy waana Virgil van Dijk kaas oo hadda loo aqoonsan yahay inuu yahay daafaca wakhtigaan ugu fiican kubadda cagta, inta kale waxaa yeeshay Pep Guardiola kaas oo laba ciyaartoy looga soo xulay Bayern Munich, hal ciyaartoy looga xulay Manchester City halka todoba kalana looga soo xulay kooxdiisii dahabiga aheyd ee Barcelona.

Jurgen kooxda ugu miisaanka weyn uu maamulay waa Liverpool oo uu ku sugan yahay tan iyo 2015, balse labadii sano ee ugu dambeysay uu ka dhigay mid lagu tiriyo kuwa ugu wanaagsan kubadda cagta dunida wakhtigaan.

Ciyaartoy badan ayaa waayay safkaan oo kasoo hoos ciyaaray Guardiola sida Puyol, Abidal, Eto’o, Xabi Alonso, Hummels iyo kuwa kale, halka Klopp agtiisa ay ku qadeen Salah, Mane, Firmino, labada garab ee Robbo iyo TAA, balse xogta waxaa lagu sheegay in ciyaartoydaan iyo macalinkaanba marka loo barbardhigo inta lasoo xushay ay yahiin kuwa kaga mudan, iyagoo lagu jaangoynayo wakhtiga iyo wixii ay sameeyeen.

SHAXDA JURGEN IYO PEP:

Goolhaye:

Manuel Neuer (Bayern Munich)

Daafacyada:

Dani Alves (Barcelona) Virgil van Dijk (Liverpool) Gerard Pique (Barcelona) Jordi Alba (Barcelona)

Khadka Dhexe:

Andreas Iniesta (Barcelona) Xavi Hernandez (Barcelona) Sergio Busquets (Barcelona)

Weerarka:

Advertisements

Lionel Messi (Barcelona) Kevin De Bruyne (Man City) Robert Lewandowski (Bayern Munich)

 

F.G: Ciyaartoydaan kooxaha aan ku hor qornay waa kooxahii ay labada macalin ku maamuleen, tusaale (Iniesta) hadda wuxuu ka tirsan yahay koox ka dhisan Japan, balse shaxdaan wuxuu ku helay wakhtigii uu Pep Guardiola kaga soo garab ciyaaray Barcelona.

6 responses to “Ciyaartoydii Ugu Fiicneed Oo Ay Soo Maamuleen Jurgen Klopp Iyo Pep Guardiola Oo Shax Laga Sameeyay Ka Hor Kulanka Anfield – Yaa Kasoo Muuqday?”

  1. wax yabaha dabacesan kusaleya xalada hada jirto xidigo kubada kafaristay iyo xidigo uu macalin so mamulay waa loma bahna inad inoso xushan muhiimada wa inad kuqimesan kuwey hada koxahoda kuhestan D Bruins Starling kun Aguero alison Baker van dik matip fapinho Orlando Roberson mo Salah frmino

  2. Bayern goorma ayuu Klopp tababare u noqday 😂😂Manuel neuer Waligiis muu tababarin Sxbyaal dhal sports ayaa ka buuxda websitekee inaga hubaya waxad Qoraysan Thnkx