Ciyaartoyda Valencia Oo Ka Dareeray Garoonka Daqiiqaddii 29aad, Rabshadii Takoorka Iyo Qaskii Ka Dhashay

Ciyaartii u dhaxaysay labada kooxood ee Cadiz iyo Valencia ayaa la joojiyey iyadoo maraysa daqiiqaddii 29aad ee qaybta hore, kaddib markii ay isku dhaceen Juan Gala iyo Mouctar Diakhaby.

Advertisements

Difaaca Valencia ee Mouctar Diakhaby ayaa daba cararay Juan Gala oo hadallo cunsuriyad ah oo la wada maqlayay ku yiedhi laacibkan madowga ah, waxaanay garoonka dhexdiisa isku weydaarsadeen muran iyadoo ciyaaryahannada kale ee labada kooxood ay kala qabteen.

Kaddib muddo kooban oo muran iyo is-jiid-jiid ah, ciyaartoyda Valencia ayaa isku dayay in ay garsooraha u dharraxaan waxa dhacay haddii aanu isagu maqlaynin, laakiin waxa uu go’aamiyey in uu kaadh digniin ah siiyo Diakhaby oo cadho badan ka muuqatay, lana joojin kari la’aa.

Ciyaartoyda Valencia ayaa markaas kaddib ka dareeray garoonka iyagoo taageero u muujinaya xiddigoodan la cunsuriyeeyey.

Advertisements

Daqiiqado kaddib, ciyaartoyda Valencia ayaa garoonka dib ugu soo laabtay, waxaanay ciyaartu sii taagnayd shan daqiiqadood oo kale oo ay iskululayn sameeyeen ciyaartoyda Valencia si ay dareenka cadhada ah iskaga saaraan, ka hor intii aan dib loo bilaabin.

Mouctar Diakhaby ayaan ciyaarta kusoo laabanin, waxaana lagu beddelay oo booskiisa yimid Hugo Guillamon.

Cala oo gool u dhaliyey Caidz ayaa isagana  la saaray waqtigii nasashada.

Valencia ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda bulshada ee Twitter-ka, waxay ku sheegtay in ciyaartoygeeda loo geystay cay iyo cunsuriyad, laakiin uu ugu dambayntii isagu ka dalbaday ciyaartoyda kooxdiisa in ay dib ugu noqdaan garoonka oo ay ciyaaraan.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*