Ciyaartoyda Real Madrid Oo Bilaabay Qorshaha Xili Ciyaareedka Dambe Iyo Zinedine Zidane Oo Maanta U Bilaabay Tababarka

Advertisements

Tababare Zinedine Zidane ayaa tababarkii ugu horreeyey ee ay xili ciyaareedka dambe iskugu diyaarinayaan u bilaabay ciyaartoyda naadigiisa oo kasoo laabtay fasax ay ku maqnaayeen muddo 23 maalmood ah oo ahaa waqtigii uu dhamaaday xili ciyaareedkii hore.

Los Blancos ayaa ciyaaryahannadeeda siisay fasax saddex toddobaad ah oo ay qoysaskooda lasoo qaataan ka hor inta aanay kusoo laabanin tababarka ay u haystaan laba usbuuc iyo badh ay iskugu diyaariyaan xili ciyaareedka dambe, waxaanay waqtigii loo qabtay uu ku ekaa shalay oo ay tijaabada  caafimaadka ku mareen garoonka tababarka oo loo dhigay mishiinka PCR ee lagu hubiyo fayraska Korona.

Dhamaan ciyaartoyda, shaqaalaha tababarka iyo laacibiinta da’yarta ah ee tababarka la qaadanaya kooxda waaweynka ayaan laga helin wax kiis ah oo la xidhiidha Fayraska, waxaanay taasi siisay Zinedine Zidane inuu kusii socdo qorshaha u diyaar-garowga xili ciyaareedka cusub oo uu maantaba tababarka siiyey ciyaartoyda.

Advertisements

Garoonka tababarka Valdebebas oo ay albaabadu u xidhan yihiin ayay gellinkii hore ee maanta kasoo xaadireen 19 ciyaartoy oo ay ku jiraan wajiyo cusub oo kusoo laabtay naadiga kaddib amaaho ay ku maqnaayeen fasal ciyaareedkii hore.

Waxa kale oo ku sugnaa tiro ciyaartoyda da’yarta Real Madrid ah oo toddobaadkii hore ku guuleystay koobka UEFA Youth League oo ah Champions League da’yarta.

Zinedine Zidane ayaan helin ciyaartoydiisa waaweyn ee ka qayb-gelaya kulamada caalamiga ah, waxaana ka mid ah ciyaartoyda maqnaa: Thibaut Courtois, Eden Hazard, Sergio Ramos, Dani Carvajal, Marco Asensio, Sergio Reguilon, Andriy Lunin, Ferland Mendy, Raphael Varane, Toni Kroos, Luka Jovic iyo Gareth Bale.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*