Ciyaartoyda Liverpool Oo Iska Diiday Inay Tagaan Garoonka Tababarka Liverpool Iyo Arrinta Ay Dalbadeen

Ciyaartoyda kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa iska diiday inay tagaan garoonka tababarka ee AXA Training Center ee ay dhowaan dhisatay kooxdaasi.

Advertisements

Reds oo dhibaatooyin kusoo dhex jirtay xilli ciyaareedkan isla markaan lix jeer laga badiyey siddeeddii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League ayaa waxay u dagaallamaysaa in ay ka mid noqoto afarta kooxood ee ugu sarreeya.

Horyaalka Premier League oo dhamaadkiisa ay ka hadhsan yihiin sagaal ciyaarood oo kaliya, waxay Liverpool ku jirtaa kaalinta lixaad iyagoo shan dhibcood ka dambeeya Chelsea oo afraad ku jirta.

Kooxda horyaalka difaacanaysa ayaa xilli ciyaareedkan ka guurtay garoonkeedii tababarka ee Melwood, waxaanay u guurtay garoon cusub oo tababar oo ay ku dhisatay lacag ka badan 60 milyan oo Euro, halkaas oo ay bishii November si rasmi ah u bilowday inay ciyaartoydu ku qaataan tababarka, iyagoo iibinaya xaruntoodii hore.

Advertisements

Si kastaba, ciyaartoyda kooxda ayaa la sheegay in kaddib guulihii RB Leipzig iyo Wolves ay iska diideen inay tagaan xarunta cusub ee tababarka ee AX Training Center, waxaanay codsadeen in dib loogu furo xaruntoodii hore ee Melwood.

Wargeyska The Sun ee kasoo baxa UK ayaa sheegay, in afar bilood kaddib markii ay kooxdu ka guurtay Melwood, in ciyaartoydu ay hadda doonayaan in dib ay ugu noqdaan, iyagoo dareensan in dhibaatada kooxda haysata ay sababteedu tahay garoonka cusub ee tababarka.

Garoonka cusub oo ku yaalla goob hawo badan ku dhacayso, ayay ciyaartoydu ku doodayaan in aanu ku habboonayn tababarka ay u baahan yihiin in ay sameeyaan, sidoo kalena aanay ku rakibnayn imkaaniyaadkii daruuriga ahaa ee ay ahayd in uu yeesho.

Inkasta oo aanu wargeysku sheegin in arrintan xal laga  gaadhayo, haddana waxay xaqiiqadu tahay in dhaawacyada tirada badan iyo guul-darrooyinkuba ay yihiin inta uu garoonkan cusub  u ahaa xaruntooda tababarka.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*