Chelsea Oo Wadada Guusha Ku Soo Noqotay, Tammy Abraham Oo Gool La Soo Laabtay & Lampard Oo Gacanta Sarre Ka Helay John Terry

Advertisements

Chelsea ayaa ku soo laabatay wadada guusha ka dib markii ay 2-1 ku garaaceen kooxda Aston Villa oo marti ugu aheyd garoonka Stamford Bridge iyagoo sii xajistay kaalinta afaraad ee kala sareynta horyaalka.

Ka hor kulankii caawa Chelsea waxaa laga badiyay labadii kulan ee ka horeysay, laakiin goolal ay caawa u kala dhaliyeen Tammy Abraham iyo Mason Mount ayay ku qaarjiyeen kooxda Aston Villa. Iyadoo Frank Lampard uu gacanta sarre ka helay saaxiibkiisa John Terry oo caawiye tababare ka ah Aston Villa.

Tababare Frank Lampard ayaa waxaa u soo laabtay kulankaan Tammy Abraham oo dhaawac ku seegay kulankii ugu danbeeyay.

Chelsea ayaa ciyaarta ku bilaabatay si fiican iyagoo durbadiiba cadaadis saarayay kooxda Aston Villa waxayna ciyaarta hogaanka u qabteen daqiiqadii 24aad.

Weeraryahanka Ingariiska Tammy Abraham ayaa u saxiixay goolka ka dib markii uu madax ku dhaliyay kubad karoos ah uu soo qaaday daafaca garabka Reece James.

Abraham ayaa dhaliyay goolkiisii 11aad ee xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League isagoo kaalinta labaad kaga jira miiska kala sareynta gooldhalinta.

View image on Twitter

Aston Villa ayaase barbareysay ciyaarta daqiiqadii 42aad markii uu Trezeguet uu dhaliyay kubad uu ka helay Ahmed Elmohamady.

Waa markii ugu horeysay taariikhda ee gool uu dhaliyo weeraryahan Masaari ah iyadoo caawiyaha uu sidoo kale Masri yahay. Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Seddex daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad Chelsea ayaa hogaanka ku soo laabatay markii Mason Mount uu kubad gantaal ah u dhaliyay.

Advertisements

Willian ayaa karoos soo dhigay waxaa xabad ku baasay Abraham iyadoo Mount uu kubad gantaal ah dabamariyay goolhaye Heaton.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday Blues kuwaasoo ku jira kaalinta afaraad iyagoo leh 29 dhibcood waxayna seddex dhibcood ka hooseeyaan kooxda kaalinta 3aad ee Manchester City oo leh 32 dhibcood.

Comments are closed.