Chelsea Oo Rikoodh 30 Sanno Ah Barbareysay & Xogtii Laga Diiwaangeliyay Kulamadii Premier League Ee Maanta Oo Sabti Ah La Dheelay

Advertisements

Aston Villa 1-2 Liverpool

Goolkii uu Sadio Mane dhaliyay waa markii 35aad ee ay Liverpool goolka guusha dhaliso ka dib daqiiqada 90aad horyaalka Premier League, waana kooxda ugu badan ee ilbiriqsiyada ugu danbeeya goolka guusha dhalisa taariikhda Premier League, 5 ka mid ah waxa ay dhaliyeen tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Liverpool ayaan laga badinin todobo kulan oo Premier League ah oo gool looga hormaray, waxay badiyeen lix ka mid ah halka kulanka kale ay barbaro galeen; waa kooxda dhibcaha ugu badan soo laabasho ku heshay xilli ciyaareedkan horyaalka.

Aston Villa ayaa iyagana 11 dhibcood dhumiyay kulamo ay hogaanka qabteen xilli ciyaareedkan, waana kooxda ugu badan ee dhibco dhumisa iyadoo hogaanka qabatay xilli ciyaareedkan horyaalka.

Watford 1-2 Chelsea

Chelsea ayaa badisay todobo kulan oo isku xigta oo ay marti yihiin tartamada oo dhan, waxaana ay barbareeyeen rikoodhkooda guulaha ee kulamada Martida oo ah dhigeen intii u dhaxeysay Febraayo ilaa April sannadkii 1989.

Watford ayaa ku guuldareysatay inay badiso 11kii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka horyaalka Premier League markii ugu horeysay taariikhdooda, waxaa laga badiyay lix kulan, waxay barbaro galeen shan kulan.

Christian Pulisic ayaa si toos ah uga qeyb qaatay sagaal gool oo ay Chelsea dhalisay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan (4 gool, 5 caawin) kaliya Tammy Abaraham ayaa goolal ka badan ka qeyb qaatay (12).

Man City 2-1 Southampton

Manchester City ayaa badisay lixdii kulan ee ugu danbeysay ee ay wajaheen Southampton, waxay sii dheereysteen guulahoodii ugu mudada dheeraa ee ay ka gaareen kooxda Southampton horyaalka.

City ayaa sugtay ilaa daqiiqadii 70aad inay hesho darbadii ugu horeysay ee ku bartilmaameedsan goolka taasoo uu goolka ku dhaliyay Sergio Aguero – waa mudadii ugu dheereyd ee ay darbadii ugu horeysay sugaan horyaalka tan iyo bishii December 2016 markaasoo ay 82 daqiiqo ku qaadatay kulan ay la ciyaarayeen Leicester City.

Arsenal 1-1 Wolves

Arsenal ayaa dhibco dhumisay iyagoo dhaliyay goolka ugu horeeya labo kulan oo isku xigta oo horyaalka ah oo ay ku ciyaareen gurigooda markii ugu horeysay tan iyo bishii November 2004.

Wolves ayaa laga badinin seddex kulan oo horyaalka ah oo ay la ciyaareen Arsenal markii ugu horeysay tan iyo 1979.

Arsenal ayaa ku guuldareysatay inay hesho hal darbo oo goolka ku bartilmaameedsan qeybtii labaad ee ciyaartaan, iyadoo darbadii ugu danbeysay ee ay helaan ay aheyd daqiiqadii 32aad.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay goolkiisii 50aad ee Arsenal, waxaana ay ku qaadatay inuu ku dhaliyo 78 kulan tartamada oo dhan, waxaa kaliya si ka dhaqsi badan sidiisa ku gaaray Ian Wright sannadkii 1993 kaasoo 68 kulan ku dhaliyay 50 gool.

Bournemouth 1-0 Man United

Manchester United ayaa heysata 13 dhibcood 11kii kulan ee la ciyaaray horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, waa dhibcihii ugu hoseeyay ee waqtigaan oo kale ay hesho tan iyo xilli ciyaareedkii 1986-87, markaasoo ay 11 dhibcood ka heleen 11kii kulan ee ugu horeysay..

Manchester United ayaa ku guuldareysatay inay shabaqa ilaashato mid kasta oo ka mid ah 11kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay marti ahaayeen.

Advertisements

Goolka Josh King waxa uu soo gabagabeeyay 358 daqiiqadood, seddex kulan iyo 50 darbo oo uu bilaa gool ka ahaa horyaalka.

Josh King ayaa dhaliyay goolkiisii 45aad ee Premier League, waa xiddiga labaad ee reer Norway ee ugu goolasha badan Premier League ka dib tababaraha haatan ee United Ole Gunnar Solskjaer oo 91 gool ka dhaliyay Premier League.

Comments are closed.